Raila Odinga Oo Ka Hadlay Guuldarradiisa Doorashadii Guddoomiyaha Midowga Afrika

Raila Odinga, musharraxii looga adkaaday xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika, ayaa warbaahinta kula hadlay magaalada Addis Ababa, isagoo shaaca ka qaaday inuu dib ugu laabanayo dalkiisa Kenya si uu u sii wato shaqadiisa.

Hadalkan ayaa dhaliyay su’aalo badan, maadaama Raila Odinga lagu yaqaanay inuu si weyn uga soo horjeedo Madaxweyne William Ruto, oo isaguna dadaal badan geliyay sidii uu xilkan ugu guuleysan lahaa, balse ku guuldareystay.

Raila Odinga oo diiwaanka Ra’iisul Wasaaraha Kenya ku galay xilli buuq badan ka jiray Dowladdii Madaxweynihii 3aad ee Kenya, Mwai Kibaki, ayaa markale qorsheynaya inuu cadaadis siyaasadeed saaro Hoggaamiyaha haatan xafiiska jooga, William Ruto.

“Qorshaheygu waa in aan dalkeyga dib ugu laabto si aan wax badan u qabto,” ayuu yiri Raila Odinga, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya, balse wuu ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo qorshayaashiisa mustaqbalka.

Dhanka kale, xildhibaanno iyo siyaasiyiin taageersan Raila Odinga ayaa soo jeediyay in Xukuumadda William Ruto ay jarto qaaraanka ay siiso Midowga Afrika, kaddib guuldarradii adag ee Raila Odinga kala kulmay musharraxii ka socday Jamhuuriyadda Jabuuti, kaasoo ku guuleystay kursiga Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Waxaa la filayaa in Raila Odinga uu si weyn ugu soo laabto saaxadda siyaasadda Kenya, taasoo laga yaabo inay sii adkeyso xiriirka kala dhexeeya dowladda William Ruto.

  • Related Posts

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Caracas – 20 Juun 2025 – Kumanaan qof oo reer Venezuela ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Caracas Khamiistii, iyaga oo si buuxda u muujiyay taageeradooda Dowladda Islaamiga ah…

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Moscow – Jimce, 20-ka Juun, 2025W/Q: Mohamed Abdi Koblehshe | xamarcade.com Dowladda Ruushka ayaa Jimcihii ka digtay xaaladda sii xumaaneysa ee Bariga Dhexe, iyadoo sheegtay in gobolka uu si degdeg…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.