Raila Odinga Oo Ka Hadlay Guuldarradiisa Doorashadii Guddoomiyaha Midowga Afrika

Raila Odinga, musharraxii looga adkaaday xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika, ayaa warbaahinta kula hadlay magaalada Addis Ababa, isagoo shaaca ka qaaday inuu dib ugu laabanayo dalkiisa Kenya si uu u sii wato shaqadiisa.

Hadalkan ayaa dhaliyay su’aalo badan, maadaama Raila Odinga lagu yaqaanay inuu si weyn uga soo horjeedo Madaxweyne William Ruto, oo isaguna dadaal badan geliyay sidii uu xilkan ugu guuleysan lahaa, balse ku guuldareystay.

Raila Odinga oo diiwaanka Ra’iisul Wasaaraha Kenya ku galay xilli buuq badan ka jiray Dowladdii Madaxweynihii 3aad ee Kenya, Mwai Kibaki, ayaa markale qorsheynaya inuu cadaadis siyaasadeed saaro Hoggaamiyaha haatan xafiiska jooga, William Ruto.

“Qorshaheygu waa in aan dalkeyga dib ugu laabto si aan wax badan u qabto,” ayuu yiri Raila Odinga, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Kenya, balse wuu ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeraad ah ka bixiyo qorshayaashiisa mustaqbalka.

Dhanka kale, xildhibaanno iyo siyaasiyiin taageersan Raila Odinga ayaa soo jeediyay in Xukuumadda William Ruto ay jarto qaaraanka ay siiso Midowga Afrika, kaddib guuldarradii adag ee Raila Odinga kala kulmay musharraxii ka socday Jamhuuriyadda Jabuuti, kaasoo ku guuleystay kursiga Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Waxaa la filayaa in Raila Odinga uu si weyn ugu soo laabto saaxadda siyaasadda Kenya, taasoo laga yaabo inay sii adkeyso xiriirka kala dhexeeya dowladda William Ruto.

  • Related Posts

    Waa sidee Xaalada Dagaal ee Dalalka Hindiya iyo Pakistan?

    Hindiya iyo Pakistan oo isku raacay xabbad-joojin iyo wadahadal rasmi ah Dalalka Hindiya iyo Pakistan ayaa isku raacay in la joojiyo colaadda ka aloosan xadka gobolka Kashmir, iyagoo sidoo kale…

    XOG MUHIIM AH: Xeebaha Afrika oo ay kusoo caariyeen Kumanaan Nebiriya! Maxay tahay sababtu?

    Sanadkan, xeebaha qaaradda Afrika waxaa si aan caadi ahayn ugu soo caariyay tiro aad u badan oo Nebiriya ah – nooc ka mid ah kalluunka badda ku nool. Dadka deegaanka,…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay Ciraaq si uu uga qeyb galo Shirka Waddamada Carabta.

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay Ciraaq si uu uga qeyb galo Shirka Waddamada Carabta.

    Xildhibaano Ka Tirsan Labada Aqal oo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ku Eedeeyay Qalalaasaha Siyaasadeed ee Dalka.

    Xildhibaano Ka Tirsan Labada Aqal oo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ku Eedeeyay Qalalaasaha Siyaasadeed ee Dalka.

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Dhigay Taallada SYL Xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed.

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Dhigay Taallada SYL Xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed.

    GALGADUUD: Duqeyn Lagu Burburiyay Gaadiid Dagaal oo Ay Lahaayeen Khawaarijta oo Ka Dhacday Deegaanka Coosweyne.

    GALGADUUD: Duqeyn Lagu Burburiyay Gaadiid Dagaal oo Ay Lahaayeen Khawaarijta oo Ka Dhacday Deegaanka Coosweyne.

    Dagaal-yahan Hore oo Ka Tirsanaa Khawaarijta oo Isku Soo Dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

    Dagaal-yahan Hore oo Ka Tirsanaa Khawaarijta oo Isku Soo Dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.