Caabudwaaq 15-February 2025 Agaasimaha Waaxda Arrimaha Bulshada ee Madaxtooyada Dowladda Galmudug, Mudane Cabdikariim Al-Cadaala, ayaa 15-ka bisha February 2025 kulan muhiim ah magaalada Caabudwaaq kula yeeshay dhalinyarada ka shaqeysa warbaahinta maxalliga ah.
Kulankan oo ahaa mid is-dhexgal iyo wadatashi ah, ayaa diiradda lagu saaray doorka muhiimka ah ee ay saxaafadda dhalinyaradu ku leedahay horumarka bulshada, xoojinta wacyigelinta bulshada, iyo ilaalinta xasiloonida deegaanka. Agaasimaha ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda iskaashiga ka dhaxeeya hay’adaha dowladda iyo warbaahinta madaxa-bannaan ee deegaanka.
“Dhalinyarada warbaahinta waxay leeyihiin awood weyn oo saameyn leh, waxaan rabnaa in aan idinla shaqeyno si loo dhiso bulsho xog ogaal ah oo horumarsan,” ayuu yiri Mudane Cabdikariim Al-Cadaala.
Dhalinyaradii ka qeyb gashay kulanka ayaa soo bandhigay caqabadaha ay la kulmaan, sida helitaanka qalab casri ah, tababaro xirfadeed, iyo taageero dhanka ammaanka ah. Sidoo kale, waxay muujiyeen diyaar u ahaanshahooda in ay door muuqda ka qaataan kobcinta wacyiga bulshada iyo horumarinta deegaanka.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Madaxtooyada Galmudug ee ku aaddan xoojinta xiriirka ay la leedahay qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan dhalinyarada.







