Waa sidee Xaalada Dagaal ee Dalalka Hindiya iyo Pakistan?

Hindiya iyo Pakistan oo isku raacay xabbad-joojin iyo wadahadal rasmi ah

Dalalka Hindiya iyo Pakistan ayaa isku raacay in la joojiyo colaadda ka aloosan xadka gobolka Kashmir, iyagoo sidoo kale ku heshiiyay in la bilaabo wadahadallo rasmi ah oo lagu xallinayo khilaafaadka taariikhiga ah ee u dhexeeya.

Heshiiskan ayaa yimid kaddib dadaallo diblomaasiyadeed oo ay hoggaaminayeen Maraykanka, gaar ahaan Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, kaasoo sheegay in labada dal ay ogolaadeen xabbad-joojin degdeg ah iyo wada xaajood dhexdhexaad ah oo lagu qaban doono goob aan labada dhinac midna u janjeerin.

“Raysal-wasaarayaal Narendra Modi iyo Shehbaz Sharif waxay muujiyeen xikmad, dulqaad iyo hoggaan doorbiday waddada nabadda, taasoo mudan bogaadin,” ayuu yiri Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka.

Rubio ayaa sidoo kale xusay in isaga iyo madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, JD Vance, ay 48-kii saac ee lasoo dhaafay la kulmeen saraakiil sare oo ka kala socday Hindiya iyo Pakistan, oo ay ku jiraan labada raysal-wasaare. Kulamadan ayuu ku sheegay kuwo miro-dhal ah, islamarkaana horseeday is-afgarad hordhac ah oo dhanka nabadda ah.

Wuxuu intaa ku daray in Maraykanku uu diyaar u yahay inuu garwadeen ka noqdo geeddi-socodka nabadeed ee labada dal, isagoo ku booriyay beesha caalamka in ay taageerto dadaalladaas si loo gaaro heshiis waara.

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.