
Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si habsami leh uga wada 13 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka dalka ee ku saleysan nidaamka qof iyo cod.
Degmooyinka cusub ee maanta ay guddigu ka hawlgaleen waxaa ka mid ah Kaaraan, Hodan, Warta Nabadda, Yaaqshiid, Heliwaa iyo Hawlwadaag, kuwaas oo si weyn loogu soo baxay goobaha diiwaangelinta si muwaadiniintu u helaan shahaadada codbixinta ee doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka ka dhacaya.
Horay waxaa gobolka Banaadir looga bilaabay diiwaangelinta toddoba degmo oo kala ah: Shangaani, Xamar Weyne, Shibis, Xamar Jajab, Boondheere, Waaberi iyo Cabdicasiis.
Qaar ka mid ah bulshada is diiwaangelineysa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in markii ugu horeysay ay fursad u helaan inay si toos ah u doortaan hoggaankooda.
Dadka baahiyaha gaarka ah qaba, waayeellada, iyo kuwa kale ee si weyn u daneynaya xaqiijinta xuquuqdooda muwaadinnimo ayaa si muuqata uga soo muuqday goobaha ay ka socoto diiwaangelinta, taasoo muujineysa sida dadku ugu heelan yihiin inay codkooda ku ciil baxaan.





