Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay Ciraaq si uu uga qeyb galo Shirka Waddamada Carabta.

Bağdaad, Ciraaq – May 16, 2025 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta u safray magaalada Bağdaad ee caasimadda dalka Ciraaq, halkaas oo uu kaga qeyb galayo Shirka Waddamada Carabta oo si rasmi ah loo furayo maalinta berri ah.

Shirkan oo ah mid heer sare ah ayaa diiradda lagu saarayaa xoojinta iskaashiga Carabta ee dhinaca amniga, iyadoo si gaar ah loogu falanqeynayo dagaalka lagula jiro kooxaha xagjirka ah sida Daacish iyo Al-Shabaab.

Sidoo kale, ajandaha kulanka waxaa ka mid ah arrimaha Falastiin, gaar ahaan xaaladda bani’aadantinimo ee ka taagan marinka Qasa, iyadoo madaxda Carbeed ay ka doodi doonaan sidii wax looga qaban lahaa baahiyaha nololeed ee shacabka reer Falastiin.

Kulanka ayaa lagu wadaa in uu kusoo dhammaado war-murtiyeed rasmi ah, kaasoo ay madaxdu ku soo bandhigi doonaan qodobbada ay ku heshiiyeen iyo tallaabooyinka wadajirka ah ee la qaadi doono.

Shirkan ayaa lagu wadaa in uu xoojin doono doorka wada-shaqeynta Carabta ee dhinacyada amniga, siyaasadda iyo taageerada shacabka ku tabaaloobay colaadaha ka jira gobolka.

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.