
Masaajid Cali Guduud (Xamarcade.com) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo kuwa xaq u dirirka deegaanka ayaa xalay saqdii dhexe fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Khawaarijta, kaasoo ka dhacay inta u dhaxeysa deegaannada Towfiiq iyo Geedi-xeyr ee hoostaga degmada Masaajid Cali Guduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalkaan oo ay horay u sii qorsheeyeen saraakiisha amniga, ayaa lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Khawaarijta oo isku uruursanayay halkaasi, kuwaas oo la rumeysan yahay in ay qorsheynayeen falal amni darro. Sida ay noo xaqiijiyeen ilo wareedyo dhinaca milatariga ah, ciidamada ayaa si guul leh u weeraray xarumaha ay ku sugnaayeen kooxahaasi, iyadoo lagu dilay tiro badan oo ka mid ah Khawaarijta, halka kuwa kalena dhaawacyo culus ay soo gaareen.
Geedi-xeyr oo laga xoreeyay Khawaarijta
Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ayaa saacado kooban gudahood ku guuleystay in ay gabi ahaanba ka saaraan Khawaarijta deegaanka Geedi-xeyr, halkaas oo ay muddo ku dhuumaaleysanayeen. Saraakiisha howlgalka hoggaaminaysay ayaa sheegay in firxadkii kooxdaasi lagu raad jooggo, iyadoo weli howlgalku uu si taxaddar leh u socdo.
Jabka Khawaarijta iyo guusha ciidamada shacabka u adeega
Sida ay wararku tilmaamayaan, kooxaha Khawaarijta ayaa la kulmay jab weyn, iyadoo laga gubay hub iyo gaadiid ay wateen. Qaar kamid ah maleeshiyaadka dhaawacmay ayaa la sheegay in ay baxsanayaan, balse ay ciidamada ku raad joogaan meelaha dhulka howdka ah ee u dhow degmada Masaajid Cali Guduud.