Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya: Danaysi mise Saaxiibtinimo Dhab ah?

Dowladda Turkiga waxaa lagu yaqaannaa siyaasad ku dhisan dan gaar ah, taasoo mar walba u janjeerta halkii ay danaha qarankeeda ugu badan yihiin. Saaxiibtinimadeedu ma aha mid sal adag oo la isku halleyn karo, mana aha mid ku dhisan garab istaag joogto ah ama mabda’ sugan. Halkii dantu ugu jirto ayay taagan tahay, xitaa haddii ay taasi dhaawac ku tahay cid kale.

Marka la eego mowqifyada Turkiga ee arrimo badan oo la xiriira Soomaaliya, waxaa laga dareemi karaa in aanu Turkigu ahayn saaxiib dhab ah. Marar badan wuxuu isu muujiyey inuu yahay “nin cadowgaaga fiirsanaya”, balse aan si dhab ah kuu garab taagneyn marka aad u baahan tahay taageero muuqata ama mid dhab ah.

Si kastaba ha ahaatee, waa muhiim in la xuso in Turkigu si dhab ah u garab istaagay dowlado ay ka mid yihiin Azerbaijan, Libya, Sudan, iyo Itoobiya — taasoo muujinaysa in marka uu dano muhiim ah ka leeyahay dal gaar ah, uu si xooggan u muujiyo taageeradiisa.

Su’aasha meesha taal ayaa ah: Soomaaliya dan ma uga muuqataa Turkiga sida ay uga muuqdaan dalalkaas kale? Mise xiriirkooda wuxuu ku kooban yahay dano ku meel gaar ah iyo saamayn siyaasadeed oo la xiriirta istiraatiijiyadda gobolka?

Qoraa: Abdisalan Firidho

  • Related Posts

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dhuusamareeb, Sabti, 21ka Juun 2025 – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Dhuusamareeb Imtixaanaadka…

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Caracas – 20 Juun 2025 – Kumanaan qof oo reer Venezuela ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Caracas Khamiistii, iyaga oo si buuxda u muujiyay taageeradooda Dowladda Islaamiga ah…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.