Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

Beersheba – Jimce, 20-ka Juun 2025 W/Q: Mohamed Abdi Koblehshe | xamarcade.com

Waxaa xalay saqdii dhexe weerarro gantaallo ah si toos ah loogu beegsaday magaalada Beersheba ee koonfurta Israa’iil, taas oo horey dhowr jeer loogu qaaday weerarro toos ah toddobaadyadii u dambeeyay. Weerarradan ayaa ka dhashay dagaalka sii xoogeysanaya ee u dhexeeya dalalka Iran iyo Israa’iil.

Gantaalladii xalay dhacay midkood ayaa si toos ah ugu dhacay meel u dhow dhismayaal ay dad rayid ah deggan yihiin, xafiisyo ganacsi iyo xarumo warshadeed, waxaana sababay god weyn iyo burbur xoogan. Warbaahinta maxalliga ah ee Israa’iil ayaa baahisay muuqaallo muujinaya baabuur gubanaya, qiiq madow oo cirka isku shareeray iyo daaqado jabay.

Sida uu sheegay Shafir Botner, oo ka tirsan kooxaha gurmadka degdega ah, “Waxaan helnay gantaal si toos ah ugu dhacay agagaarka dhismo dad degan yahay, burburkuna waa mid aad u weyn.” Waxaa la xaqiijiyay in ugu yaraan lix qof ay dhaawacyo fudud ka soo gaareen qaraxa, halka weli lagu jiro baaritaanno lagu raadinayo dadka ku sugan gudaha guryaha.

Weerarkan ayaa daba socda gantaallo ay Iran ku beegsatay isbitaal weyn oo ku yaalla Beersheba maalintii Khamiistii. Iran waxay sheegtay in ay bartilmaameedsatay saldhigyo militari oo ku dhowaa isbitaalka, balse Israa’iil waxay arrintaas ku tilmaantay been cad, iyadoo sheegtay in meelahaasi aysan wax militari ah ku sugneyn.

Dhinaca kale, ciidamada Israa’iil ayaa xaqiijiyay in ay iyaguna xalay weerarro cirka ah ku qaadeen caasimadda Iran ee Tehraan, gaar ahaan xarumo lagu farsameeyo gantaallada iyo xarumo cilmi-baaris oo la sheegay in lagu horumariyo hubka nukliyeerka.

Xiisadda siyaasadeed, midda amni iyo tan milatari ee u dhaxeysa Tel Aviv iyo Tehran ayaa cirka isku shareertay, waxaana weli socda weerarro is-daba joog ah oo horseedaya khasaare naf iyo maalba leh.

Beersheba oo ah magaalada ugu weyn koonfurta Israa’iil ayaa hadda ah bartilmaameedka ugu weyn ee Iran, iyadoo dadku ay ku jiraan cabsi iyo walwal joogto ah, taas oo muujinaysa sida ay dagaalladu u saameeyeen nolosha shacabka.

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.