Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS oo Xafiiskiisa ku Qaabiley Wafdi ka Socday Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.

Muqdisho – Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.

Wafdiga ayaa ka koobnaa Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, Wasiirka Maaliyadda, iyo Wasiirka Qorsheynta ee maamulka SSC-Khaatumo, kuwaas oo wasiirka la wadaagay xog ku saabsan xaaladda guud ee deegaanadooda, hanaanka dowlad-dhisidda SSC-Khaatumo, iyo dadaallada socda ee lagu horumarinayo adeegyada bulshada.

Wasiirrada ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Wasiir Cabdullaahi Bidhaan shaqada baaxadda leh ee uu ka qabtay xoojinta adeegyada tamarta iyo biyaha ee guud ahaan dalka, iyagoo sheegay in dadaallada wasiirka ay horseedeen guulo muuqda oo miro-dhal ah.

Dhankiisa, Wasiir Bidhaan ayaa uga mahadceliyey booqashada iyo wada-shaqeynta ay muujinayaan wasiirrada SSC-Khaatumo, isagoo tilmaamay in muhiim ay tahay in si wadajir ah loo sii xoojiyo guulaha laga gaaray dhinacyada siyaasadda, amniga, iyo horumarka. Wuxuu sidoo kale ku dhiirrigeliyey in la sii adkeeyo iskaashiga u dhexeeya heer federaal iyo heer dowlad goboleed si loo xaqiijiyo horumar waara oo laga dhaxlo dadaallada socda.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS ku dooneyso in lagu xoojiyo wadashaqeynta kala dhaxeysa dowlad goboleedyada, si kor loogu qaado adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada Soomaaliyeed.

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.