Wasiirka Dekadaha oo La Kulmay Wakiilka AU: Amniga Badda & Horumarinta Dekadaha Soomaaliya ayaa Diiradda La Saaray

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddiga Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM, Danjire Souef Mohamed El-Amine.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

  • Hordhaca Mission-ka AUSSOM Soomaaliya
  • Amniga Badda Soomaaliya iyo la dagaallanka burcad badeedka
  • Dib u dhiska iyo tayeynta dekadaha dalka

Iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Afrika

Wasiirka Dekadaha ayaa uga mahadceliyay Midowga Afrika kaalinta naf-hurnimada leh ee ay ka qaateen dib u dhiska dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn dhow oo dhex marta Wasaaradda Dekadaha iyo Midowga Afrika, si kor loogu qaado shaqada baaxadda leh ee Wasaaraddu ay waddo.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixinaysa horumarinta dekadaha, iyadoo la tayeeynayo adeegyada badda si kor loogu qaado ganacsiga iyo isku xirka dalka la leeyahay caalamka. Iskaashigan la xoojinayo ayaa la filayaa inuu furo fursado badan oo lagu horumarinayo dekadaha, kalluumaysiga, iyo ganacsiga badda.

La soco wararkayaga si aad u hesho faahfaahinta dheeraadka ah ee kulankan iyo dadaallada lagu horumarinayo dekadaha Soomaaliya!

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.