Wasiirka Amniga Gudaha oo Shir Muhiim ah Guddoomiyay si loo Dardargeliyo Howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

Muqdisho – Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta guddoomiyay shir muhiim ah oo diiradda lagu saaray dardargelinta howlaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Shirka oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, iyo agaasimeyaasha hey’adda ee ka kala socda dowlad goboleedyada dalka.

Intii uu socday shirka, mas’uuliyiintu waxay Wasiirka uga warbixiyeen howlaha muhiimka ah ee ay hey’addu u hayso bulshada Soomaaliyeed, iyadoo la isla gartay in la xoojiyo adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda gaar ahaan gobollada dalka.

Waxaa sidoo kale shirka lagu falanqeeyay sidii loo mideyn lahaa nidaamyada shaqo ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed, loona horumarin lahaa adeegyada si loo daboolo baahiyaha muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiintu waxay isla lafa gureen caqabadaha jira, fursadaha horumarineed, iyo tallaabooyinka lagu tayeyn karo adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda.

Ugu dambeyn, Wasiir Fartaag ayaa ku dhiirrigeliyay madaxda hey’adda in ay xoojiyaan wada-shaqeynta iyo is-afgaradka u dhexeeya hay’adaha heer federaal iyo kuwa dowlad goboleed, si shacabka loogu adeego si hufan oo amni lagu dheehay.

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.