Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

Hirshabeelle – 20ka Juun, 2025:

Waxaa maanta si rasmi ah xarunta Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle uga dhacday doorashada kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo banaanaa kadib markii uu xilka baneeyay xildhibaan hore u fadhiyay kursigaasi.

Doorashadan oo ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay loona fuliyay iyadoo la raacayo xeerarka iyo habraacyada Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, ayaa waxaa goob joog ka ahaa wakiillo ka socda labada gole ee dowladda federaalka, masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle, bulshada rayidka ah, iyo ergada beesha leh milkiyadda kursiga.

Musharrax Ismaaciil Warsame Faarax oo ku jiray liiska musharrixiinta ayaa si iskiis ah uga tanaasulay tartanka, taas oo keentay in musharrax Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) uu noqdo musharraxa kaliya ee loo codeynayo.

Waxaa doorashadan ka qeyb galay 101 ergo oo metelayay beesha kursigan leh, kuwaas oo si xushmad iyo kala dambeyn leh uga qeyb galay codeynta. Natiijada doorashada ayaa noqotay mid aad u cad, iyadoo Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) uu helay 98 cod, halka 3 xubnood ay ka aamuseen codbixinta.

Natiijada rasmiga ah ee doorashada ayaa waxaa ku dhawaaqay Cabdi Caddow Maxamed, oo ka tirsan Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, isaga oo sidoo kalena si toos ah ugu wareejiyay musharraxa guuleystay shahaadada rasmiga ah ee Xildhibaanimo.

Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo horey uga tirsanaa hay’adaha ammaanka dalka, sidoo kalena leh waayo-aragnimo siyaasadeed oo ballaaran, ayaa lagu tilmaamay inuu yahay shaqsi leh karti iyo aqoon uu ku matali karo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada uu kursigani metelo.

Doorashadan waxay markhaati u tahay horumarka iyo hufnaanta habraaca doorasho ee dalka, gaar ahaan heerarka dawlad-goboleedyada, iyadoo ay muuqato in doorashooyin si nabad ah u dhacaya ay qeyb weyn ka yihiin xasilloonida iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u direynaa Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku guuleystay kalsoonida ergada, waxaana rajeyneynaa inuu si daacadnimo iyo hufnaan leh ugu adeegi doono shacabka iyo dalka guud ahaan.

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.