Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa dhagaysatay Kiiskii ugu adkaa oo ah Askari Miino dhigayey.

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta dhageysatay eedaha loo heysto Tahliil Axmed Fiidow Caraale, oo horay uga tirsanaa Ciidamada Xoogga Dalka balse la sheegay inuu markii dambe ku biiray kooxda ‘AS’.

Tahliil ayaa maxkamadda ka hor sheegay in kooxda ‘AS’ ay gacanta ka jartay, kaddib markii lagu soo eedeeyay xatooyo (tuuganimo). Maxkamadda ayaa loo horgeeyay eed ah inuu qarax ka geystay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay in qaraxa dhacay bishii Oktoobar 2024 uu ka qaaday xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, isaga oo geeyay degmada Kaaraan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa codsaday in xukun adag lagu rido Tahliil Axmed Fiidow, oo sidoo kale loo yaqaanno Cali Daahir Jimcaale, maadaama qaraxa lagu eedeeyay uu sababay dhimasho dad rayid ah.

Dhanka kale, eedeysanaha iyo qareennadiisa ayaa si wadajir ah u codsaday in loo fududeeyo ciqaabta, maadaama uu qirtay qayb kamid ah dambiyada loo heysto.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Maxkamadda, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute), ayaa fadhiga soo xiray, waxaana la filayaa in go’aan laga gaaro xukunkiisa.

  • Related Posts

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dhuusamareeb, Sabti, 21ka Juun 2025 – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Dhuusamareeb Imtixaanaadka…

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Caracas – 20 Juun 2025 – Kumanaan qof oo reer Venezuela ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Caracas Khamiistii, iyaga oo si buuxda u muujiyay taageeradooda Dowladda Islaamiga ah…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.