Galmudug oo Daah-furtay Shir Ku Saabsan Saameynta Isbeddelka Cimilada ee Nabadgelyada iyo Cadaaladda

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid, ayaa daah-furay shir muhiim ah oo diiradda lagu saarayay saameynta isbeddelka cimiladu ku yeelato nabadda, amniga iyo cadaaladda.

Shirka waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Galmudug, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha Galmudug, ku-xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud, Taliyaha CID Galmudug, saraakiil ka socotay laamaha amniga, iyo qayb kamid ah bulshada rayidka.

Shirka oo si wadajir ah ay u soo abaabuleen Xafiiska Amniga Qaranka, Xafiiska Amniga Galmudug iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, ayaa lagu falanqeeyay dhibaatooyinka isbeddelka cimiladu ku leeyahay amniga, cadaaladda iyo adeegyada dadweynaha. Waxa kale oo la isku raacay in la sameeyo qorshayaal looga hortagayo saameynta cimilada iyadoo sare loo qaadayo wacyiga bulshada.

Agaasimaha Xafiiska Amniga Galmudug, Maslax Cali Xuseen, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, ayaa si qoto dheer uga hadlay sida isbeddelka cimiladu u saameeyay sugidda amniga iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ah.

Sidoo kale, Wasiirka Cadaaladda Galmudug ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo in la yareeyo saameynta taban ee isbeddelka cimiladu ku yeelatay cadaaladda iyo xasilloonida bulshada.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug ayaa ugu baaqay dhammaan laamaha dowladda iyo shacabka reer Galmudug in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo yareyn lahaa saameynta isbeddelka cimilada, si loo ilaaliyo deegaanka iyo amniga bulshada.

  • Related Posts

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.

    Masaajid Cali Guduud (Xamarcade.com) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo kuwa xaq u dirirka deegaanka ayaa xalay saqdii dhexe fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah kooxda Khawaarijta, kaasoo…

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay Ciraaq si uu uga qeyb galo Shirka Waddamada Carabta.

    Bağdaad, Ciraaq – May 16, 2025 – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta u safray magaalada Bağdaad ee caasimadda dalka Ciraaq, halkaas oo uu kaga qeyb…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay Ciraaq si uu uga qeyb galo Shirka Waddamada Carabta.

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo u ambabaxay Ciraaq si uu uga qeyb galo Shirka Waddamada Carabta.

    Xildhibaano Ka Tirsan Labada Aqal oo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ku Eedeeyay Qalalaasaha Siyaasadeed ee Dalka.

    Xildhibaano Ka Tirsan Labada Aqal oo Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ku Eedeeyay Qalalaasaha Siyaasadeed ee Dalka.

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Dhigay Taallada SYL Xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed.

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ubax Dhigay Taallada SYL Xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed.

    GALGADUUD: Duqeyn Lagu Burburiyay Gaadiid Dagaal oo Ay Lahaayeen Khawaarijta oo Ka Dhacday Deegaanka Coosweyne.

    GALGADUUD: Duqeyn Lagu Burburiyay Gaadiid Dagaal oo Ay Lahaayeen Khawaarijta oo Ka Dhacday Deegaanka Coosweyne.

    Dagaal-yahan Hore oo Ka Tirsanaa Khawaarijta oo Isku Soo Dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

    Dagaal-yahan Hore oo Ka Tirsanaa Khawaarijta oo Isku Soo Dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.