Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

Moscow – Jimce, 20-ka Juun, 2025
W/Q: Mohamed Abdi Koblehshe | xamarcade.com

Dowladda Ruushka ayaa Jimcihii ka digtay xaaladda sii xumaaneysa ee Bariga Dhexe, iyadoo sheegtay in gobolka uu si degdeg ah ugu sii jeedo “god qoto dheer oo xasilooni-darro iyo dagaal ah.”

Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov oo la hadlayay warfidiyeenka ayaa sheegay in Moscow ay si weyn uga walaacsan tahay dhacdooyinka ka socda Bariga Dhexe, isla markaana Madaxweyne Vladimir Putin uu weli diyaar u yahay inuu dhexdhexaadiyo haddii loo baahdo.

“Gobolku wuxuu kusii dhacayaa god xasilooni-darro iyo dagaal ah,” ayuu yiri Peskov, isaga oo tilmaamay baahida loo qabo in xal degdeg ah oo siyaasadeed laga gaaro xiisadda sii kordheysa.

Ruushka oo xiriir dhow la leh Iran, isla markaana xiriir wanaagsan la leh Isra’iil, ayaa si cad ugu baaqay dowladda Maraykanka inaysan Iran ku qaadin weerar militari. Kremlin-ka wuxuu sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka in la helo xal diblomaasiyadeed oo ka dhan ah khilaafka hareeyay barnaamijka nukliyeerka ee Tehran.

Markii la weydiiyay haddii Ruushku leeyahay xariiqo guduudan (red lines) ku saabsan xiisadda sii fidaya, Peskov wuxuu sheegay in dalalka gobolka ay tahay inay iyagu lahaadaan xuduudahooda, isagoo uga digay in xaaladda sii degdegaysa aysan cidna faa’iido ugu jirin.

Sidoo kale, Moscow waxay shaacisay inay si dhow ula socoto doorka Israa’iil, oo ay sheegtay inay weli wado qorshayaal ciidan oo ka dhan ah Iran. Si kastaba ha ahaatee, Kremlin-ka wuxuu xusay in xariirro furan oo isgaarsiineed ay weli kala dhaxeeyaan Tel Aviv iyo Washington.

Xiisadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Iran ayaa gaartay heer halis ah, iyadoo weerarro cirka ah iyo gantaallo is-daba joog ah laga duuliyay labada dhinac. Ruushka wuxuu sheegay in la joogo xilligii xal nabadeed laga gaaro arrinta, halkii ay dagaalladu sii socon lahaayeen.

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.