
Moscow – Jimce, 20-ka Juun, 2025
W/Q: Mohamed Abdi Koblehshe | xamarcade.com
Dowladda Ruushka ayaa Jimcihii ka digtay xaaladda sii xumaaneysa ee Bariga Dhexe, iyadoo sheegtay in gobolka uu si degdeg ah ugu sii jeedo “god qoto dheer oo xasilooni-darro iyo dagaal ah.”
Afhayeenka Kremlin-ka Dmitry Peskov oo la hadlayay warfidiyeenka ayaa sheegay in Moscow ay si weyn uga walaacsan tahay dhacdooyinka ka socda Bariga Dhexe, isla markaana Madaxweyne Vladimir Putin uu weli diyaar u yahay inuu dhexdhexaadiyo haddii loo baahdo.
“Gobolku wuxuu kusii dhacayaa god xasilooni-darro iyo dagaal ah,” ayuu yiri Peskov, isaga oo tilmaamay baahida loo qabo in xal degdeg ah oo siyaasadeed laga gaaro xiisadda sii kordheysa.
Ruushka oo xiriir dhow la leh Iran, isla markaana xiriir wanaagsan la leh Isra’iil, ayaa si cad ugu baaqay dowladda Maraykanka inaysan Iran ku qaadin weerar militari. Kremlin-ka wuxuu sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka in la helo xal diblomaasiyadeed oo ka dhan ah khilaafka hareeyay barnaamijka nukliyeerka ee Tehran.
Markii la weydiiyay haddii Ruushku leeyahay xariiqo guduudan (red lines) ku saabsan xiisadda sii fidaya, Peskov wuxuu sheegay in dalalka gobolka ay tahay inay iyagu lahaadaan xuduudahooda, isagoo uga digay in xaaladda sii degdegaysa aysan cidna faa’iido ugu jirin.
Sidoo kale, Moscow waxay shaacisay inay si dhow ula socoto doorka Israa’iil, oo ay sheegtay inay weli wado qorshayaal ciidan oo ka dhan ah Iran. Si kastaba ha ahaatee, Kremlin-ka wuxuu xusay in xariirro furan oo isgaarsiineed ay weli kala dhaxeeyaan Tel Aviv iyo Washington.
Xiisadda u dhaxeysa Israa’iil iyo Iran ayaa gaartay heer halis ah, iyadoo weerarro cirka ah iyo gantaallo is-daba joog ah laga duuliyay labada dhinac. Ruushka wuxuu sheegay in la joogo xilligii xal nabadeed laga gaaro arrinta, halkii ay dagaalladu sii socon lahaayeen.