Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo UNSOM oo ka wada hadlay horumarka iyo Amniga Muqdisho+Sawirro.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay sii hayaha ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mr. James Swan.

Kulankan oo ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee caasimadda, taageerada amniga, arrimaha doorashooyinka, iyo shaqo-abuurka dhallinyarada.

Mr. James Swan ayaa bogaadiyay dadaallada Guddoomiye Amiir uu ku horumarinayo Muqdisho, gaar ahaan sidii caasimaddu u soo ceshan lahayd bilicdii iyo heybaddii ay lahayd. Wuxuu intaa ku daray in Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay barnaamijyada lagu horumarinayo magaalada, islamarkaana ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobay doorkooda ku aaddan garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu xusay in taageerada QM ay door muhiim ah ka qaadato mashaariicda horumarineed ee caasimadda, loona baahan yahay in iskaashiga la sii adkeeyo si Muqdisho ay u noqoto magaalo ammaan ah oo horumarsan.

Kulankan ayaa muujinaya sida Qaramada Midoobay iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay uga go’an tahay horumarinta caasimadda iyo xoojinta amniga, iyadoo dadaallo ballaaran lagu bixinayo dib-u-dhiska iyo horumarinta nolasha dadka ku nool magaalada Muqdisho.

  • Related Posts

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dhuusamareeb, Sabti, 21ka Juun 2025 – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Dhuusamareeb Imtixaanaadka…

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Caracas – 20 Juun 2025 – Kumanaan qof oo reer Venezuela ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Caracas Khamiistii, iyaga oo si buuxda u muujiyay taageeradooda Dowladda Islaamiga ah…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.