Galmudug oo Daah-furtay Shir Ku Saabsan Saameynta Isbeddelka Cimilada ee Nabadgelyada iyo Cadaaladda

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid, ayaa daah-furay shir muhiim ah oo diiradda lagu saarayay saameynta isbeddelka cimiladu ku yeelato nabadda, amniga iyo cadaaladda.

Shirka waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Galmudug, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha Galmudug, ku-xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud, Taliyaha CID Galmudug, saraakiil ka socotay laamaha amniga, iyo qayb kamid ah bulshada rayidka.

Shirka oo si wadajir ah ay u soo abaabuleen Xafiiska Amniga Qaranka, Xafiiska Amniga Galmudug iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, ayaa lagu falanqeeyay dhibaatooyinka isbeddelka cimiladu ku leeyahay amniga, cadaaladda iyo adeegyada dadweynaha. Waxa kale oo la isku raacay in la sameeyo qorshayaal looga hortagayo saameynta cimilada iyadoo sare loo qaadayo wacyiga bulshada.

Agaasimaha Xafiiska Amniga Galmudug, Maslax Cali Xuseen, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, ayaa si qoto dheer uga hadlay sida isbeddelka cimiladu u saameeyay sugidda amniga iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ah.

Sidoo kale, Wasiirka Cadaaladda Galmudug ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo in la yareeyo saameynta taban ee isbeddelka cimiladu ku yeelatay cadaaladda iyo xasilloonida bulshada.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug ayaa ugu baaqay dhammaan laamaha dowladda iyo shacabka reer Galmudug in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo yareyn lahaa saameynta isbeddelka cimilada, si loo ilaaliyo deegaanka iyo amniga bulshada.

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.