Galmudug oo Daah-furtay Shir Ku Saabsan Saameynta Isbeddelka Cimilada ee Nabadgelyada iyo Cadaaladda

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid, ayaa daah-furay shir muhiim ah oo diiradda lagu saarayay saameynta isbeddelka cimiladu ku yeelato nabadda, amniga iyo cadaaladda.

Shirka waxaa ka qaybgalay xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka Galmudug, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada, agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha Galmudug, ku-xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud, Taliyaha CID Galmudug, saraakiil ka socotay laamaha amniga, iyo qayb kamid ah bulshada rayidka.

Shirka oo si wadajir ah ay u soo abaabuleen Xafiiska Amniga Qaranka, Xafiiska Amniga Galmudug iyo Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, ayaa lagu falanqeeyay dhibaatooyinka isbeddelka cimiladu ku leeyahay amniga, cadaaladda iyo adeegyada dadweynaha. Waxa kale oo la isku raacay in la sameeyo qorshayaal looga hortagayo saameynta cimilada iyadoo sare loo qaadayo wacyiga bulshada.

Agaasimaha Xafiiska Amniga Galmudug, Maslax Cali Xuseen, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga, ayaa si qoto dheer uga hadlay sida isbeddelka cimiladu u saameeyay sugidda amniga iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ah.

Sidoo kale, Wasiirka Cadaaladda Galmudug ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo in la yareeyo saameynta taban ee isbeddelka cimiladu ku yeelatay cadaaladda iyo xasilloonida bulshada.

Ugu dambeyn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug ayaa ugu baaqay dhammaan laamaha dowladda iyo shacabka reer Galmudug in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan sidii loo yareyn lahaa saameynta isbeddelka cimilada, si loo ilaaliyo deegaanka iyo amniga bulshada.

  • Related Posts

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dhuusamareeb, Sabti, 21ka Juun 2025 – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Dhuusamareeb Imtixaanaadka…

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Caracas – 20 Juun 2025 – Kumanaan qof oo reer Venezuela ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Caracas Khamiistii, iyaga oo si buuxda u muujiyay taageeradooda Dowladda Islaamiga ah…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.