Faah faahin Ciidamada Deegaanka oo Howlgal qorshaysanka Fuliyay Deegaanka Dumaaye Gobolka Mudug.

Ciidamada Xaq-u-diriirka Deegaanka ee ka howlgala gobolka Mudug ayaa xalay fuliyey howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Dumaaye, oo dhanka waqooyi kaga beegan degmada Xarardheere ee gobolka Mudug. Howlgalkan oo ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyey ayaa lagu bartilmaameedsaday kooxo ka tirsan dhagar-qabayaal lagu tuhunsanaa inay ka dambeeyeen falal amni-darro oo dhowaan ka dhacay tuulooyinka ku dhow deegaanka.

Sida uu Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay Axmed Wali Gaatame, oo ah taliyaha hoggaaminayay howlgalka, ciidamada ayaa gacanta sare ka helay weerarka, waxayna ku guuleysteen inay meesha ka saaraan ugu yaraan afar xubnood oo ka tirsan dhagar-qabayaashii, halka saddex kalena dhaawacmeen. Labada dhaawac culus qaba ayaa la sheegay in xaaladooda caafimaad ay tahay mid aad u liidata, waxaana la rumeysan yahay in aanay ka bixi doonin cisbitaallada ay haatan ku jiraan.

Taliye Gaatame ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid muddo la qorsheynayay, isla markaana uu ku salaysnaa xog muhiim ah oo ciidamada u suurtagelisay inay si sax ah u beegsadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayeen kooxahaasi. “Waxaan fulinnay howlgalkan kadib markii aan helnay xog ku saabsan dhaq-dhaqaaqyo ay maleeshiyaadku ku hayeen deegaanka. Ujeedkeennu wuxuu ahaa in aan ka hortagno weerarro ay qorsheynayeen,” ayuu yiri Gaatame oo la hadlay Warbaahinta Qaranka.

Waxa uu intaas ku daray in ciidamadu ay xaqiijiyeen amniga deegaanka, isla markaana ay weli wadaan baaritaanno dheeri ah oo la xiriira xubno kale oo looga shakisan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan dhulka hawdka ah ee ku xeeran Dumaaye. “Ciidamadu ma fasaxayaan cid kasta oo amni-darro ka wada deegaanka. Howlgalka wuxuu soconayaa ilaa laga xaqiijiyo nabadda dadka deegaanka,” ayuu xusay taliyuhu.

Dadweynaha ku dhaqan degmooyinka iyo tuulooyinka ku dhaw ayaa soo dhaweeyay howlgalka ciidamada ay sameeyeen, iyagoo sheegay in ay ku il-duufeen amni-xumo iyo cabsi ay kooxahani ku abuurayeen shacabka. Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka oo la hadlay warbaahinta deegaanka ayaa sheegay in howlgaladan qorsheysan ay yihiin kuwa natiijo fiican leh, isla markaana dadka shacabka ah si weyn ugu dhiirrigeliya inay la shaqeeyaan laamaha ammaanka.

Sidoo kale, saraakiisha ciidamada ayaa iftiimiyay in howlgalkan uu qayb ka yahay dadaallo ballaaran oo lagu doonayo in lagu xasilliyo guud ahaan gobolka Mudug, gaar ahaan deegaannada dhawaan laga xoreeyay kooxaha argagixisada. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Galmudug ayaa muddooyinkii dambe bilaabay qorshe cusub oo lagu adkaynayo amniga, kaas oo diiradda saarayay in la ciribtiro kooxaha caqabadda ku ah dhismaha nabadda iyo horumarka bulshada.

Axmed Wali Gaatame ayaa sheegay in ciidamadu ay dhammaan diyaar u yihiin inay ka jawaabaan cabasho kasta oo uga timaada shacabka, isagoo ku boorriyay bulshada inay sii xoojiyaan wada shaqaynta ay la leeyihiin ciidanka nabad sugidda iyo kuwa deegaanka. “Amniga waa mas’uuliyad wadaag ah. Shacabka haddii ay na siiyaan xogta saxda ah, annaguna waxaan u hubinaynaa inay helaan nabad joogto ah,” ayuu yiri.

Dhanka kale, wararkan guusha leh ayaa imaanaya xilli Gobolka Mudug uu muddooyinkan wajahayo dhaqdhaqaaqyo isdaba-joog ah oo ay kooxaha argagixisada ku doonayeen inay falal ka dhan ah shacabka ka sameeyaan. Howlgallada noocan oo kale ah ayaa la rumeysan yahay inay si weyn u yareeyaan awoodda ay kooxahaasi ku leeyihiin qeybo ka mid ah gobolka.

Ugu dambeyntii, shacabka deegaanka Dumaaye iyo nawaaxigeeda ayaa maanta ku soo toosay jawi deggen, inkastoo ay socdaan baaritaanno iyo hawlgallo lagu xaqiijinayo in aan mar kale kooxaha argagixisada ay u helin meel ay isku abaabulaan. Ciidamada Xaq-u-Dirirka Deegaanka waxay sheegeen inay sii wadi doonaan hawlgallada ilaa laga xaqiijiyo nabad buuxda oo ka hana-qaadda gobolka Mudug.

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.