Dhuusamareb, Soomaaliya – Qaban-qaabada caleemo-saarka Caaqilka Guud ee Beesha Yabardhowrakace, Caaqil Sheikh Abdinasir Sheikh Ahmed Sheikh Abdulle, ayaa si heer sare ah uga socota magaalada Dhuusamareb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug. Xafladdan oo lagu wado in ay dhacdo maalmaha soo socda ayaa noqon doonta mid lagu maamuusayo Caaqilka Guud ee Beesha.
Caleemo-saarka Caaqilka ayaa ah munaasabad ay si weyn isugu diyaarinayaan odayaasha dhaqanka, culimaa’udiinka, aqoonyahannada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada Beesha Yabardhowrakace, kuwaas oo dhammaantood isku raacsan in Caaqil Sheikh Abdinasir uu yahay shaqsi leh aqoon, xushmad iyo waayo-aragnimo dhaqan oo ballaaran.
Guddiga qaban-qaabada oo loo xilsaaray munaasabadda ayaa tilmaamaya in ay socdaan diyaargarowyo heer sare ah oo la xiriira martiqaadka, ammaanka, iyo soo dhoweynta martida ka imaaneysa gobollada dalka iyo dibaddiisa. Waxaa la filayaa in ay ka soo qaybgalaan masuuliyiin heer qaran iyo heer dowlad goboleed ah, saraakiil, culimaa’udiin, iyo xubno ka socda bulshada rayidka ah iyo jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadda.
Xafladda caleemo-saarka ayaa lagu wadaa in ay noqoto mid muujisa midnimo, nabad iyo is-aaminaad dhexdeeda ah, iyadoo beesha Yabardhowrakace ay doonayso in ay tusaale u noqoto sida dhaqanka Soomaaliyeed loogu mideyn karo nabadda iyo wadajirka bulshada.
Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada xafladda, ayaa sheegay in diyaar garowga uu marayo meel wanaagsan, isla markaana bulshada reer Dhuusamareb iyo maamulka deegaanka ay si dhow ula shaqeynayaan guddiga si munaasabadda u dhacdo si habsami leh.




