Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha Doorashooyinka Qof iyo Cod oo Si Habsami Leh uga Socota 13 Degmo oo Gobolka Banaadir ka Tirsan

Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa si habsami leh uga wada 13 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir diiwaangelinta codbixiyeyaasha doorashooyinka dalka ee ku saleysan nidaamka qof iyo cod.

Degmooyinka cusub ee maanta ay guddigu ka hawlgaleen waxaa ka mid ah Kaaraan, Hodan, Warta Nabadda, Yaaqshiid, Heliwaa iyo Hawlwadaag, kuwaas oo si weyn loogu soo baxay goobaha diiwaangelinta si muwaadiniintu u helaan shahaadada codbixinta ee doorashooyinka qof iyo codka ah ee dalka ka dhacaya.

Horay waxaa gobolka Banaadir looga bilaabay diiwaangelinta toddoba degmo oo kala ah: Shangaani, Xamar Weyne, Shibis, Xamar Jajab, Boondheere, Waaberi iyo Cabdicasiis.

Qaar ka mid ah bulshada is diiwaangelineysa ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in markii ugu horeysay ay fursad u helaan inay si toos ah u doortaan hoggaankooda.

Dadka baahiyaha gaarka ah qaba, waayeellada, iyo kuwa kale ee si weyn u daneynaya xaqiijinta xuquuqdooda muwaadinnimo ayaa si muuqata uga soo muuqday goobaha ay ka socoto diiwaangelinta, taasoo muujineysa sida dadku ugu heelan yihiin inay codkooda ku ciil baxaan.

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.