Dagaal-yahan Hore oo Ka Tirsanaa Khawaarijta oo Isku Soo Dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Buulo-Mareer, Shabeelaha Hoose – Maxamed Ciise Cismaan Cosoble, oo kooxda Khawaarijta loogu yiqiinay magaca afgarashada ah “Seefulaah,” ayaa si iskiis ah isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 26-aad ee Guutada 6-aad, Qaybta 60-aad CXDS ee ku sugan magaalada Buulo-Mareer.

Cosoble ayaa ka tirsanaa kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, isaga oo ka howlgalayey deegaano ka tirsan Koonfur-galbeed Soomaaliya. Wuxuu sheegay inuu ka baxay fikirkii xagjirnimada kadib markii uu indhihiisa ku arkay dhibaatada ba’an ee kooxdaasi ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo burburka ay u horseedeen deegaanka.

Maxamed Ciise Cosoble ayaa hadda gacanta ugu jira Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si waafaqsan habraacyada amniga, waxaana la marsiin doonaa baaritaan iyo barnaamij dib-u-dhaqan celin ah, si loo hubiyo xaaladdiisa amni iyo in dib loogu biiriyo bulshada si masuuliyad leh.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgallada lagu wiiqayo awoodda Khawaarijta, iyadoo la dhiirrigelinayo xubnaha doonaya inay ka baxaan kooxdaasi isla markaana ay isu soo dhiibaan dowladdu.

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.