
Caracas – 20 Juun 2025 – Kumanaan qof oo reer Venezuela ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Caracas Khamiistii, iyaga oo si buuxda u muujiyay taageeradooda Dowladda Islaamiga ah ee Iran, xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe.
Dibadbaxyadan ayaa ahaa kuwo si nabad ah ku dhacay, waxaana lagu arkayay dad wata calamada Venezuela iyo Iran, boorar ay ku qoran yihiin erayo ay ku muujiyeen taageero siyaasadeed iyo mid qaranimo. Mudaharaadayaasha ayaa si gaar ah u cambaareeyay cadaadiska caalamiga ah ee saaran Iran, iyaga oo ku baaqay in la ixtiraamo madax-bannaanida dalalka soo koraya.
Afhayeen u hadlay ururada abaabulay mudaharaadka ayaa sheegay in “Iran ay u taagan tahay la dagaalanka dulmiga iyo faragelinta shisheeye, isla markaana Venezuela ay garab taagan tahay.”
Madaxweynaha Venezuela, Nicolás Maduro, ayaa horey u sheegay in xiriirka ka dhaxeeya Tehran iyo Caracas uu yahay mid istiraatiiji ah, kuna saleysan iskaashi dhaqaale, difaac iyo ganacsi.
Isbahaysiga sii xoogeysanaya ee u dhexeeya labada dal ayaa kusoo beegmaya xilli ay korodhayso xiisadda gobolka Bariga Dhexe, gaar ahaan tan u dhaxeysa Iran iyo xulafada reer Galbeedka.