Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ku beegsaday Kooxda AS oo ku sugnayd Bacaadwayne Gobolka Mudug.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo ciidamada deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay magaalada Bacaadwayne ee Koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ay ku sugnaayeen kooxaha Khawaarijta oo dhibaatooyin ba’an ku hayay shacabka deegaanka.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa xaqiijiyay in weerarka si toos ah loogu beegsaday fariisimihii Khawaarijtu ay ku baadaysay dadka shacabka ah, iyagoo muddo dheer halkaasi uga hanjabayay bulshada. Ciidamada huwanta ayaa cagta mariyay saldhigyada argagixisada, halkaas oo ay ku sugnaayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad muddo dhuumaaleysi ku joogay deegaanka.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka wadaan si loo cirib tiro kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya gobollada dalka, loogana xoreeyo shacabka Soomaaliyeed culeyska ay saareen.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo howlgalka ayaa muujinaya in khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay argagixisada, iyadoo ciidamadu ay la wareegeen fariisimihii ay ku sugnaayeen Khawaarijtu. Faahfaahinta rasmiga ah ee qasaaraha la gaarsiiyay cadowga ayaa la filayaa in dhowaan la shaaciyo.

Dowladda Soomaaliya iyo shacabka deegaanka ayaa si wadajir ah ugu hanjabay in dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada uu sii socon doono, isla markaana aysan jirin meel ay ku dhuumaalan karaan. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa horay u ballan qaaday in gobollada dhexe laga ciribtiri doono Khawaarijta, si shacabka loogu xaqiijiyo nabad iyo xasillooni.

  • Related Posts

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dhuusamareeb, Sabti, 21ka Juun 2025 – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Dhuusamareeb Imtixaanaadka…

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Caracas – 20 Juun 2025 – Kumanaan qof oo reer Venezuela ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Caracas Khamiistii, iyaga oo si buuxda u muujiyay taageeradooda Dowladda Islaamiga ah…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.