Ciidanka Xoogga Dalka oo Howlgal Qorsheysan ku beegsaday Kooxda AS oo ku sugnayd Bacaadwayne Gobolka Mudug.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS) iyo ciidamada deegaanka ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay magaalada Bacaadwayne ee Koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ay ku sugnaayeen kooxaha Khawaarijta oo dhibaatooyin ba’an ku hayay shacabka deegaanka.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa xaqiijiyay in weerarka si toos ah loogu beegsaday fariisimihii Khawaarijtu ay ku baadaysay dadka shacabka ah, iyagoo muddo dheer halkaasi uga hanjabayay bulshada. Ciidamada huwanta ayaa cagta mariyay saldhigyada argagixisada, halkaas oo ay ku sugnaayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad muddo dhuumaaleysi ku joogay deegaanka.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka wadaan si loo cirib tiro kooxaha Khawaarijta ee ku dhuumaaleysanaya gobollada dalka, loogana xoreeyo shacabka Soomaaliyeed culeyska ay saareen.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo howlgalka ayaa muujinaya in khasaaro xooggan lagu gaarsiiyay argagixisada, iyadoo ciidamadu ay la wareegeen fariisimihii ay ku sugnaayeen Khawaarijtu. Faahfaahinta rasmiga ah ee qasaaraha la gaarsiiyay cadowga ayaa la filayaa in dhowaan la shaaciyo.

Dowladda Soomaaliya iyo shacabka deegaanka ayaa si wadajir ah ugu hanjabay in dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada uu sii socon doono, isla markaana aysan jirin meel ay ku dhuumaalan karaan. Ciidanka Xoogga Dalka ayaa horay u ballan qaaday in gobollada dhexe laga ciribtiri doono Khawaarijta, si shacabka loogu xaqiijiyo nabad iyo xasillooni.

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.