Ciidanka Xoogga Dalka oo dardar geliyay howlgallo ka dhan ah Khawaarijta Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo culus ka wada deegaanada ku teedsan Jiinka Wabiga Shabeelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, si loo cirib tiro kooxaha Khawaarijta ah ee halkaas ku dhuumaaleysanaya.

Howlgalladan oo si weyn loo dardargeliyay ayaa lagu guuleystay in laga saaro Argagixisada dhowr deegaan oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah Kiliga Maxamed Diirshe, Raas Qaboobe, Jameeco, Shanloow, Dhagaxoow, Yaaqle, Damileey iyo deegaano kale oo ku yaalla Jiinka Wabiga Shabeelle.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalka ay si wadajir ah uga qeyb qaadanayaan ciidamada deegaanka, iyagoo xusay in jab xooggan lagu gaarsiiyay cadowga. Ciidanku waxay sheegeen in tiro badan oo ka mid ah maleeshiyaadka la dilay, halka kuwo kale gacanta lagu dhigay.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu xasilinayo deegaannada ay Argagixisadu horay ugu sugnaayeen, si loo xaqiijiyo amniga iyo nolol caadi ah oo ay bulshada deegaanka ku noolaato.

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.