Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

Caracas – 20 Juun 2025 – Kumanaan qof oo reer Venezuela ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Caracas Khamiistii, iyaga oo si buuxda u muujiyay taageeradooda Dowladda Islaamiga ah ee Iran, xilli ay cirka isku sii shareerayaan xiisadaha ka taagan Bariga Dhexe.

Dibadbaxyadan ayaa ahaa kuwo si nabad ah ku dhacay, waxaana lagu arkayay dad wata calamada Venezuela iyo Iran, boorar ay ku qoran yihiin erayo ay ku muujiyeen taageero siyaasadeed iyo mid qaranimo. Mudaharaadayaasha ayaa si gaar ah u cambaareeyay cadaadiska caalamiga ah ee saaran Iran, iyaga oo ku baaqay in la ixtiraamo madax-bannaanida dalalka soo koraya.

Afhayeen u hadlay ururada abaabulay mudaharaadka ayaa sheegay in “Iran ay u taagan tahay la dagaalanka dulmiga iyo faragelinta shisheeye, isla markaana Venezuela ay garab taagan tahay.”

Madaxweynaha Venezuela, Nicolás Maduro, ayaa horey u sheegay in xiriirka ka dhaxeeya Tehran iyo Caracas uu yahay mid istiraatiiji ah, kuna saleysan iskaashi dhaqaale, difaac iyo ganacsi.

Isbahaysiga sii xoogeysanaya ee u dhexeeya labada dal ayaa kusoo beegmaya xilli ay korodhayso xiisadda gobolka Bariga Dhexe, gaar ahaan tan u dhaxeysa Iran iyo xulafada reer Galbeedka.

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.