Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

Hirshabeelle – 20ka Juun, 2025:

Waxaa maanta si rasmi ah xarunta Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle uga dhacday doorashada kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo banaanaa kadib markii uu xilka baneeyay xildhibaan hore u fadhiyay kursigaasi.

Doorashadan oo ahayd mid si wanaagsan loo soo agaasimay loona fuliyay iyadoo la raacayo xeerarka iyo habraacyada Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, ayaa waxaa goob joog ka ahaa wakiillo ka socda labada gole ee dowladda federaalka, masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle, bulshada rayidka ah, iyo ergada beesha leh milkiyadda kursiga.

Musharrax Ismaaciil Warsame Faarax oo ku jiray liiska musharrixiinta ayaa si iskiis ah uga tanaasulay tartanka, taas oo keentay in musharrax Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) uu noqdo musharraxa kaliya ee loo codeynayo.

Waxaa doorashadan ka qeyb galay 101 ergo oo metelayay beesha kursigan leh, kuwaas oo si xushmad iyo kala dambeyn leh uga qeyb galay codeynta. Natiijada doorashada ayaa noqotay mid aad u cad, iyadoo Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) uu helay 98 cod, halka 3 xubnood ay ka aamuseen codbixinta.

Natiijada rasmiga ah ee doorashada ayaa waxaa ku dhawaaqay Cabdi Caddow Maxamed, oo ka tirsan Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka, isaga oo sidoo kalena si toos ah ugu wareejiyay musharraxa guuleystay shahaadada rasmiga ah ee Xildhibaanimo.

Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo horey uga tirsanaa hay’adaha ammaanka dalka, sidoo kalena leh waayo-aragnimo siyaasadeed oo ballaaran, ayaa lagu tilmaamay inuu yahay shaqsi leh karti iyo aqoon uu ku matali karo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada uu kursigani metelo.

Doorashadan waxay markhaati u tahay horumarka iyo hufnaanta habraaca doorasho ee dalka, gaar ahaan heerarka dawlad-goboleedyada, iyadoo ay muuqato in doorashooyin si nabad ah u dhacaya ay qeyb weyn ka yihiin xasilloonida iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin u direynaa Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo ku guuleystay kalsoonida ergada, waxaana rajeyneynaa inuu si daacadnimo iyo hufnaan leh ugu adeegi doono shacabka iyo dalka guud ahaan.

  • Related Posts

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dhuusamareeb, Sabti, 21ka Juun 2025 – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Dhuusamareeb Imtixaanaadka…

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Caracas – 20 Juun 2025 – Kumanaan qof oo reer Venezuela ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Caracas Khamiistii, iyaga oo si buuxda u muujiyay taageeradooda Dowladda Islaamiga ah…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.