Dagaal-yahan Hore oo Ka Tirsanaa Khawaarijta oo Isku Soo Dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Buulo-Mareer, Shabeelaha Hoose – Maxamed Ciise Cismaan Cosoble, oo kooxda Khawaarijta loogu yiqiinay magaca afgarashada ah “Seefulaah,” ayaa si iskiis ah isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Ururka 26-aad ee Guutada 6-aad, Qaybta 60-aad CXDS ee ku sugan magaalada Buulo-Mareer.

Cosoble ayaa ka tirsanaa kooxda Khawaarijta Al-Shabaab, isaga oo ka howlgalayey deegaano ka tirsan Koonfur-galbeed Soomaaliya. Wuxuu sheegay inuu ka baxay fikirkii xagjirnimada kadib markii uu indhihiisa ku arkay dhibaatada ba’an ee kooxdaasi ku hayaan shacabka Soomaaliyeed iyo burburka ay u horseedeen deegaanka.

Maxamed Ciise Cosoble ayaa hadda gacanta ugu jira Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si waafaqsan habraacyada amniga, waxaana la marsiin doonaa baaritaan iyo barnaamij dib-u-dhaqan celin ah, si loo hubiyo xaaladdiisa amni iyo in dib loogu biiriyo bulshada si masuuliyad leh.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa sii wada howlgallada lagu wiiqayo awoodda Khawaarijta, iyadoo la dhiirrigelinayo xubnaha doonaya inay ka baxaan kooxdaasi isla markaana ay isu soo dhiibaan dowladdu.

  • Related Posts

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dhuusamareeb, Sabti, 21ka Juun 2025 – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Dhuusamareeb Imtixaanaadka…

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Caracas – 20 Juun 2025 – Kumanaan qof oo reer Venezuela ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Caracas Khamiistii, iyaga oo si buuxda u muujiyay taageeradooda Dowladda Islaamiga ah…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.