Soomaaliya & Turkiga: Iskaashi Cusub oo Dhinaca Amniga ah oo Laga Wada Hadlay Muqdisho.

Muqdisho – Wasiirka Difaaca Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan miro-dhal ah kula yeeshay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Turkiga, Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Mudane Alper Aktaş, iyo saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Turkiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga laba geesoodka ah, gaar ahaan dhinacyada amniga, difaaca, iyo la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab. Wasiir Fiqi ayaa tilmaamay in xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo, ixtiraam iyo dan-wadaag, isla markaana uu sii xoogeysanayo sanadba sanadka ka dambeeya.

“Turkigu waxa uu door muuqda ka qaatay taageerada dhanka amniga iyo dib u dhiska hay’adaha dowladeed ee Soomaaliya. Waa saaxiib muhiim ah,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Dhankiisa, Safiir Alper Aktaş iyo wafdigiisa ayaa xaqiijiyay in Turkigu uu sii wadi doono garab istaagga shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed. Waxa ay carabka ku dhufteen sida ay uga go’an tahay in ay gacan ka geystaan la dagaallanka argagixisada, taageerada ciidamada, iyo horumarinta xiriirka istaraatiijiga ah ee labada dal.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo difaaca.

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.