Duqa Magaalada Beledweyne oo Saxiixday Mashruuca Dhismaha Waddada Laamiga ah.

Beledweyne – Duqa magaalada Beledweyne, Nadar Tabaax Maalin, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixday mashruuca dhismaha waddada laamiga ah ee magaalada, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha ee gobolka Hiiraan.

Munaasabadda saxiixa mashruucan muhiimka ah waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Mudane Muuse Wehliye, iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka gobolka, kuwaasoo muujiyey taageero buuxda oo ku aaddan hirgelinta mashruuca.

Mashruucan oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka, ayaa waxaa dadaal xooggan ku bixiyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen, Duqa Beledweyne, Nadar Tabaax Maalin, iyo madaxda Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Dowladda Hirshabeelle.

Mashruuca dhismaha waddada ayaa loo qeybiyey laba qaybood, waxaana fulin doona laba shirkadood oo maxalli ah oo ku guuleystay qandaraaska:

Buruuj Construction Company

Istaahil Construction Company

Istaahil Construction Company ayaa dhisi doonta 3 KM oo laami ah, kuwaasoo ka bilaabanaya Janta-Kundhishe kuna eg Garaashka Baradhada, halkaas oo uu ku ekaa dhismihii hore ee laamiga.

Dhanka kale, Buruuj Construction Company ayaa dhisi doonta 3 KM oo kale, oo ka bilaabanaya Suuqa Xoolaha ee Xaafadda Howl-Wadaag ilaa Burjada Ceynta, taasoo wadarta guud ee wejiga koowaad ee mashruuca ka dhigaysa 6 KM oo laami cusub ah.

Mashruucan ayaa la filayaa inuu si weyn u fududeeyo isu socodka dadka iyo gaadiidka, korna u qaado dhaqaalaha magaalada Beledweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan, iyada oo loo marayo horumarinta adeega wadooyinka.

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.