
Beledweyne – Duqa magaalada Beledweyne, Nadar Tabaax Maalin, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixday mashruuca dhismaha waddada laamiga ah ee magaalada, taasoo qeyb ka ah dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha ee gobolka Hiiraan.
Munaasabadda saxiixa mashruucan muhiimka ah waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan, Mudane Muuse Wehliye, iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka gobolka, kuwaasoo muujiyey taageero buuxda oo ku aaddan hirgelinta mashruuca.
Mashruucan oo uu maalgelinayo Bangiga Adduunka, ayaa waxaa dadaal xooggan ku bixiyay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xuseen, Duqa Beledweyne, Nadar Tabaax Maalin, iyo madaxda Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u-dhiska Dowladda Hirshabeelle.
Mashruuca dhismaha waddada ayaa loo qeybiyey laba qaybood, waxaana fulin doona laba shirkadood oo maxalli ah oo ku guuleystay qandaraaska:
Buruuj Construction Company
Istaahil Construction Company
Istaahil Construction Company ayaa dhisi doonta 3 KM oo laami ah, kuwaasoo ka bilaabanaya Janta-Kundhishe kuna eg Garaashka Baradhada, halkaas oo uu ku ekaa dhismihii hore ee laamiga.
Dhanka kale, Buruuj Construction Company ayaa dhisi doonta 3 KM oo kale, oo ka bilaabanaya Suuqa Xoolaha ee Xaafadda Howl-Wadaag ilaa Burjada Ceynta, taasoo wadarta guud ee wejiga koowaad ee mashruuca ka dhigaysa 6 KM oo laami cusub ah.
Mashruucan ayaa la filayaa inuu si weyn u fududeeyo isu socodka dadka iyo gaadiidka, korna u qaado dhaqaalaha magaalada Beledweyne iyo guud ahaan gobolka Hiiraan, iyada oo loo marayo horumarinta adeega wadooyinka.