20 Suxufi oo Galkacyo looga Furay Aqoon-is-weydaarsi ku Saabsan Tebinta Xuquuqda Aadanaha, Khilaafaadka iyo Dhismaha Nabadda.

Galkacyo – Magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug ayaa si rasmi ah looga furay aqoon-is-weydaarsi muhiim ah oo loogu talagalay wariyeyaasha ka howlgala deegaannada Galmudug. Tababarkan oo diiradda lagu saarayo tebinta xuquuqda aadanaha, xalinta khilaafaadka, iyo dhismaha nabadda, ayaa waxaa ka qeybgalaya 20 suxufi oo ka kala yimid gobollada Galmudug.

Furitaanka aqoon-is-weydaarsigan ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradaha warfaafinta heer degmo, dowlad goboleed iyo federaal. Waxaa goobta ka hadlay Agaasimaha Warfaafinta degmada Galkacyo, Siraaji Yuusuf Sugaal, Iskuduwaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug, Hanad Cabdi Faarax, iyo wakiilka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ee deegaanada Galmudug, Cilmi Kulan Geedi.

Mas’uuliyiintan ayaa suxufiyiinta kula dardaarmay in ay door muuqda ka qaataan kor u qaadista wacyiga bulshada ee ku aaddan xuquuqda aadanaha, ka hortagga iyo xallinta khilaafaadka, iyo dhismaha nabadda. Waxay sheegeen in doorka saxafiyiintu uu muhiim u yahay xasilloonida iyo horumarka bulshada Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.

Xoghayaha Saxafiyiinta Galmudug, Maxamuud Cismaan Cabdulle, ayaa isna xusay in tababarkani uu yahay fursad dahabi ah oo lagu horumarinayo xirfadda wariyeyaasha, maadaama ay si joogto ah u tebiyan warar la xiriira xuquuqda aadanaha iyo xaaladaha amni ee deegaannada. Wuxuu tilmaamay in mowduucyada tababarka si xeel dheer loo soo xulay, si ay u daboolaan baahiyaha dhabta ah ee wariyeyaasha ka howlgala Galmudug.

Xoghaye Maxamuud wuxuu ku booriyey suxufiyiinta in ay si buuxda uga faa’iideystaan aqoonta ay helayaan muddada labada maalmood ee tababarku soconayo, islamarkaana ay ku dabaqaan shaqadooda maalinlaha ah.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo saxaafadda madaxa bannaan, iyadoo la adkeynayo kaalinta ay ku leedahay nabadeynta, ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.