20 Suxufi oo Galkacyo looga Furay Aqoon-is-weydaarsi ku Saabsan Tebinta Xuquuqda Aadanaha, Khilaafaadka iyo Dhismaha Nabadda.

Galkacyo – Magaalada Galkacyo ee gobolka Mudug ayaa si rasmi ah looga furay aqoon-is-weydaarsi muhiim ah oo loogu talagalay wariyeyaasha ka howlgala deegaannada Galmudug. Tababarkan oo diiradda lagu saarayo tebinta xuquuqda aadanaha, xalinta khilaafaadka, iyo dhismaha nabadda, ayaa waxaa ka qeybgalaya 20 suxufi oo ka kala yimid gobollada Galmudug.

Furitaanka aqoon-is-weydaarsigan ayaa waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradaha warfaafinta heer degmo, dowlad goboleed iyo federaal. Waxaa goobta ka hadlay Agaasimaha Warfaafinta degmada Galkacyo, Siraaji Yuusuf Sugaal, Iskuduwaha Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Galmudug, Hanad Cabdi Faarax, iyo wakiilka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ee deegaanada Galmudug, Cilmi Kulan Geedi.

Mas’uuliyiintan ayaa suxufiyiinta kula dardaarmay in ay door muuqda ka qaataan kor u qaadista wacyiga bulshada ee ku aaddan xuquuqda aadanaha, ka hortagga iyo xallinta khilaafaadka, iyo dhismaha nabadda. Waxay sheegeen in doorka saxafiyiintu uu muhiim u yahay xasilloonida iyo horumarka bulshada Galmudug iyo guud ahaan Soomaaliya.

Xoghayaha Saxafiyiinta Galmudug, Maxamuud Cismaan Cabdulle, ayaa isna xusay in tababarkani uu yahay fursad dahabi ah oo lagu horumarinayo xirfadda wariyeyaasha, maadaama ay si joogto ah u tebiyan warar la xiriira xuquuqda aadanaha iyo xaaladaha amni ee deegaannada. Wuxuu tilmaamay in mowduucyada tababarka si xeel dheer loo soo xulay, si ay u daboolaan baahiyaha dhabta ah ee wariyeyaasha ka howlgala Galmudug.

Xoghaye Maxamuud wuxuu ku booriyey suxufiyiinta in ay si buuxda uga faa’iideystaan aqoonta ay helayaan muddada labada maalmood ee tababarku soconayo, islamarkaana ay ku dabaqaan shaqadooda maalinlaha ah.

Tababarkan ayaa qeyb ka ah dadaallo ballaaran oo lagu xoojinayo saxaafadda madaxa bannaan, iyadoo la adkeynayo kaalinta ay ku leedahay nabadeynta, ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo horumarinta bulshada Soomaaliyeed.

  • Related Posts

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dhuusamareeb, Sabti, 21ka Juun 2025 – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Dhuusamareeb Imtixaanaadka…

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Caracas – 20 Juun 2025 – Kumanaan qof oo reer Venezuela ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Caracas Khamiistii, iyaga oo si buuxda u muujiyay taageeradooda Dowladda Islaamiga ah…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.