
Muqdisho – Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ka socday Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo.
Wafdiga ayaa ka koobnaa Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha, Wasiirka Maaliyadda, iyo Wasiirka Qorsheynta ee maamulka SSC-Khaatumo, kuwaas oo wasiirka la wadaagay xog ku saabsan xaaladda guud ee deegaanadooda, hanaanka dowlad-dhisidda SSC-Khaatumo, iyo dadaallada socda ee lagu horumarinayo adeegyada bulshada.
Wasiirrada ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Wasiir Cabdullaahi Bidhaan shaqada baaxadda leh ee uu ka qabtay xoojinta adeegyada tamarta iyo biyaha ee guud ahaan dalka, iyagoo sheegay in dadaallada wasiirka ay horseedeen guulo muuqda oo miro-dhal ah.
Dhankiisa, Wasiir Bidhaan ayaa uga mahadceliyey booqashada iyo wada-shaqeynta ay muujinayaan wasiirrada SSC-Khaatumo, isagoo tilmaamay in muhiim ay tahay in si wadajir ah loo sii xoojiyo guulaha laga gaaray dhinacyada siyaasadda, amniga, iyo horumarka. Wuxuu sidoo kale ku dhiirrigeliyey in la sii adkeeyo iskaashiga u dhexeeya heer federaal iyo heer dowlad goboleed si loo xaqiijiyo horumar waara oo laga dhaxlo dadaallada socda.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada ay Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha XFS ku dooneyso in lagu xoojiyo wadashaqeynta kala dhaxeysa dowlad goboleedyada, si kor loogu qaado adeegyada aas-aasiga ah ee bulshada Soomaaliyeed.




