Roobabkii ka da’ay Muqdisho oo sababay khasaare naf iyo hantiyeed.

Roobabkii daadadka watay ee saacadihii la soo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. Xaafado badan oo ka tirsan caasimadda ayaa la sheegay in ay saameeyeen fatahaado iyo biyo fadhisyo sababay in dad badani barakacaan.

Dhibaatada roobabka oo mar walba soo noqnoqda xilliyada gu’ga iyo deyrta ayaa dhalisay baaqyo ku aaddan in dib loo eego qaab-dhismeedka magaalada, gaar ahaan nidaamka biyo mareenkeeda.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee dalka, Jibriil Cabdirashiid, ahna guddoomiyaha guddiga uu Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre u magacaabay maareynta saameynta roobka, ayaa sheegay in Muqdisho uu qaab-dhismeedkeedu is beddelay, taasoo sababtay in biyaha aanay helin meel ay maraan.

“Waxaa yaraaday Meelihii biyaha laqi lahayd, sababtoo ah laamiyada iyo waddooyinka yaryar ee interlock-ga ah ayaa ku batey magaalada,” ayuu yiri Jibriil Cabdirashiid.

Dhanka kale, Duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir, ayaa hore u sheegay in dib u habeynta magaalada iyo nadaafaddu ay ka mid yihiin ajandeyaasha ugu muhiimsan ee maamulka gobolka Banaadir.

Si kastaba ha ahaatee, weli waxaa muuqata in caqabado waaweyn ay ka jiraan qorsheynta magaalada iyo u diyaargarowga roobabka, iyadoo loo baahan yahay in si degdeg ah wax looga qabto dhibaatooyinka soo noqnoqda.

  • Related Posts

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dhuusamareeb, Sabti, 21ka Juun 2025 – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Dhuusamareeb Imtixaanaadka…

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Caracas – 20 Juun 2025 – Kumanaan qof oo reer Venezuela ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Caracas Khamiistii, iyaga oo si buuxda u muujiyay taageeradooda Dowladda Islaamiga ah…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.