Roobabkii ka da’ay Muqdisho oo sababay khasaare naf iyo hantiyeed.

Roobabkii daadadka watay ee saacadihii la soo dhaafay ka da’ay magaalada Muqdisho ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed. Xaafado badan oo ka tirsan caasimadda ayaa la sheegay in ay saameeyeen fatahaado iyo biyo fadhisyo sababay in dad badani barakacaan.

Dhibaatada roobabka oo mar walba soo noqnoqda xilliyada gu’ga iyo deyrta ayaa dhalisay baaqyo ku aaddan in dib loo eego qaab-dhismeedka magaalada, gaar ahaan nidaamka biyo mareenkeeda.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka labaad ee dalka, Jibriil Cabdirashiid, ahna guddoomiyaha guddiga uu Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre u magacaabay maareynta saameynta roobka, ayaa sheegay in Muqdisho uu qaab-dhismeedkeedu is beddelay, taasoo sababtay in biyaha aanay helin meel ay maraan.

“Waxaa yaraaday Meelihii biyaha laqi lahayd, sababtoo ah laamiyada iyo waddooyinka yaryar ee interlock-ga ah ayaa ku batey magaalada,” ayuu yiri Jibriil Cabdirashiid.

Dhanka kale, Duqa Muqdisho, Maxamed Axmed Amiir, ayaa hore u sheegay in dib u habeynta magaalada iyo nadaafaddu ay ka mid yihiin ajandeyaasha ugu muhiimsan ee maamulka gobolka Banaadir.

Si kastaba ha ahaatee, weli waxaa muuqata in caqabado waaweyn ay ka jiraan qorsheynta magaalada iyo u diyaargarowga roobabka, iyadoo loo baahan yahay in si degdeg ah wax looga qabto dhibaatooyinka soo noqnoqda.

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.