Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya: Danaysi mise Saaxiibtinimo Dhab ah?

Dowladda Turkiga waxaa lagu yaqaannaa siyaasad ku dhisan dan gaar ah, taasoo mar walba u janjeerta halkii ay danaha qarankeeda ugu badan yihiin. Saaxiibtinimadeedu ma aha mid sal adag oo la isku halleyn karo, mana aha mid ku dhisan garab istaag joogto ah ama mabda’ sugan. Halkii dantu ugu jirto ayay taagan tahay, xitaa haddii ay taasi dhaawac ku tahay cid kale.

Marka la eego mowqifyada Turkiga ee arrimo badan oo la xiriira Soomaaliya, waxaa laga dareemi karaa in aanu Turkigu ahayn saaxiib dhab ah. Marar badan wuxuu isu muujiyey inuu yahay “nin cadowgaaga fiirsanaya”, balse aan si dhab ah kuu garab taagneyn marka aad u baahan tahay taageero muuqata ama mid dhab ah.

Si kastaba ha ahaatee, waa muhiim in la xuso in Turkigu si dhab ah u garab istaagay dowlado ay ka mid yihiin Azerbaijan, Libya, Sudan, iyo Itoobiya — taasoo muujinaysa in marka uu dano muhiim ah ka leeyahay dal gaar ah, uu si xooggan u muujiyo taageeradiisa.

Su’aasha meesha taal ayaa ah: Soomaaliya dan ma uga muuqataa Turkiga sida ay uga muuqdaan dalalkaas kale? Mise xiriirkooda wuxuu ku kooban yahay dano ku meel gaar ah iyo saamayn siyaasadeed oo la xiriirta istiraatiijiyadda gobolka?

Qoraa: Abdisalan Firidho

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.