Wasiirka Dekadaha oo La Kulmay Wakiilka AU: Amniga Badda & Horumarinta Dekadaha Soomaaliya ayaa Diiradda La Saaray

Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamuud Aadan Geesood, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka Gaarka ah ee Guddiga Midowga Afrika ahna Madaxa AUSSOM, Danjire Souef Mohamed El-Amine.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

  • Hordhaca Mission-ka AUSSOM Soomaaliya
  • Amniga Badda Soomaaliya iyo la dagaallanka burcad badeedka
  • Dib u dhiska iyo tayeynta dekadaha dalka

Iskaashiga Soomaaliya iyo Midowga Afrika

Wasiirka Dekadaha ayaa uga mahadceliyay Midowga Afrika kaalinta naf-hurnimada leh ee ay ka qaateen dib u dhiska dalka, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha. Wuxuu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay wada shaqeyn dhow oo dhex marta Wasaaradda Dekadaha iyo Midowga Afrika, si kor loogu qaado shaqada baaxadda leh ee Wasaaraddu ay waddo.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixinaysa horumarinta dekadaha, iyadoo la tayeeynayo adeegyada badda si kor loogu qaado ganacsiga iyo isku xirka dalka la leeyahay caalamka. Iskaashigan la xoojinayo ayaa la filayaa inuu furo fursado badan oo lagu horumarinayo dekadaha, kalluumaysiga, iyo ganacsiga badda.

La soco wararkayaga si aad u hesho faahfaahinta dheeraadka ah ee kulankan iyo dadaallada lagu horumarinayo dekadaha Soomaaliya!

  • Related Posts

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dhuusamareeb, Sabti, 21ka Juun 2025 – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Dhuusamareeb Imtixaanaadka…

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Caracas – 20 Juun 2025 – Kumanaan qof oo reer Venezuela ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Caracas Khamiistii, iyaga oo si buuxda u muujiyay taageeradooda Dowladda Islaamiga ah…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.