Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo UNSOM oo ka wada hadlay horumarka iyo Amniga Muqdisho+Sawirro.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay sii hayaha ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ahna Madaxa Howlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), Mr. James Swan.

Kulankan oo ka dhacay Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim ah, oo ay ka mid yihiin xoojinta wada shaqeynta iyo iskaashiga labada dhinac, dardargelinta mashaariicda horumarineed ee caasimadda, taageerada amniga, arrimaha doorashooyinka, iyo shaqo-abuurka dhallinyarada.

Mr. James Swan ayaa bogaadiyay dadaallada Guddoomiye Amiir uu ku horumarinayo Muqdisho, gaar ahaan sidii caasimaddu u soo ceshan lahayd bilicdii iyo heybaddii ay lahayd. Wuxuu intaa ku daray in Qaramada Midoobay ay garab taagan tahay barnaamijyada lagu horumarinayo magaalada, islamarkaana ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa uga mahadceliyay Qaramada Midoobay doorkooda ku aaddan garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu xusay in taageerada QM ay door muhiim ah ka qaadato mashaariicda horumarineed ee caasimadda, loona baahan yahay in iskaashiga la sii adkeeyo si Muqdisho ay u noqoto magaalo ammaan ah oo horumarsan.

Kulankan ayaa muujinaya sida Qaramada Midoobay iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay uga go’an tahay horumarinta caasimadda iyo xoojinta amniga, iyadoo dadaallo ballaaran lagu bixinayo dib-u-dhiska iyo horumarinta nolasha dadka ku nool magaalada Muqdisho.

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.