Ciidanka Xoogga Dalka oo dardar geliyay howlgallo ka dhan ah Khawaarijta Shabeellaha Dhexe.

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo culus ka wada deegaanada ku teedsan Jiinka Wabiga Shabeelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, si loo cirib tiro kooxaha Khawaarijta ah ee halkaas ku dhuumaaleysanaya.

Howlgalladan oo si weyn loo dardargeliyay ayaa lagu guuleystay in laga saaro Argagixisada dhowr deegaan oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah Kiliga Maxamed Diirshe, Raas Qaboobe, Jameeco, Shanloow, Dhagaxoow, Yaaqle, Damileey iyo deegaano kale oo ku yaalla Jiinka Wabiga Shabeelle.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in howlgalka ay si wadajir ah uga qeyb qaadanayaan ciidamada deegaanka, iyagoo xusay in jab xooggan lagu gaarsiiyay cadowga. Ciidanku waxay sheegeen in tiro badan oo ka mid ah maleeshiyaadka la dilay, halka kuwo kale gacanta lagu dhigay.

Howlgalladan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Soomaaliya ee lagu xasilinayo deegaannada ay Argagixisadu horay ugu sugnaayeen, si loo xaqiijiyo amniga iyo nolol caadi ah oo ay bulshada deegaanka ku noolaato.

  • Related Posts

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dhuusamareeb, Sabti, 21ka Juun 2025 – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Dhuusamareeb Imtixaanaadka…

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Caracas – 20 Juun 2025 – Kumanaan qof oo reer Venezuela ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Caracas Khamiistii, iyaga oo si buuxda u muujiyay taageeradooda Dowladda Islaamiga ah…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.