Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa dhagaysatay Kiiskii ugu adkaa oo ah Askari Miino dhigayey.

Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa maanta dhageysatay eedaha loo heysto Tahliil Axmed Fiidow Caraale, oo horay uga tirsanaa Ciidamada Xoogga Dalka balse la sheegay inuu markii dambe ku biiray kooxda ‘AS’.

Tahliil ayaa maxkamadda ka hor sheegay in kooxda ‘AS’ ay gacanta ka jartay, kaddib markii lagu soo eedeeyay xatooyo (tuuganimo). Maxkamadda ayaa loo horgeeyay eed ah inuu qarax ka geystay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay in qaraxa dhacay bishii Oktoobar 2024 uu ka qaaday xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, isaga oo geeyay degmada Kaaraan.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa codsaday in xukun adag lagu rido Tahliil Axmed Fiidow, oo sidoo kale loo yaqaanno Cali Daahir Jimcaale, maadaama qaraxa lagu eedeeyay uu sababay dhimasho dad rayid ah.

Dhanka kale, eedeysanaha iyo qareennadiisa ayaa si wadajir ah u codsaday in loo fududeeyo ciqaabta, maadaama uu qirtay qayb kamid ah dambiyada loo heysto.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Maxkamadda, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur (Shuute), ayaa fadhiga soo xiray, waxaana la filayaa in go’aan laga gaaro xukunkiisa.

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.