
Maxamed Caadil, waa 8 jir Yamani ah oo qaxooti ku ah Garoowe. Wuxuu dusha ka saaran yahay qayb ka mid ah mas’uuliyadda qoyskiisa, isagoo suuqyada Garoowe ku wareejiya tusbax, si haddii laga iibsado uu reerka maalinkaas uga qayb qaato biilka.
Maanta, isagoo caga-cad (kaba la’aan) ah, una muuqda mid daallan kaddib socdaalkiisii suuqa, ayuu arkay kursi meel yaalla. Wuxuu ku fariistay si uu xoogaa ugu nasto, hase yeeshee hal mar ayuu ka war helay dhowr dharbaaxo oo lagu dhuftay. Waxaa la dhacayay nin oday ah oo xiran dharka tuutaha ciidamada. Inkasta oo dad badan oo meesha joogay ay ku soo baxeen dhawaaqa qalbi-taabadka lahaa ee ka baxayay wiilka saqiirka ah, haddana waxaa murugo sii ahayd in uu la kulmay jirdil isagoo aan wax dambi ah gelin, marka laga reebo inuu kursigaas fariistay.
Waxaa mahadcelin mudan maamulka Puntland oo si dhaqsa ah tallaabo uga qaaday dhagar-qabaha saqiirkaas jirdilay iyo cid kasta oo door ku lahayd in laga jawaabo tacaddigaas. Si gaar ah, waxaan u mahadcelinayaa wiilka Harqaanlaha ahaa ee muuqaalkan duubay, kaas oo la’aantiis ay adkaan lahayd in la ogaado dhibka dhacay. Waxaan codsanayaa in dariska ciidanka looga saaro meel fagaare ah, si loo hubiyo in aan waxyeello dambe loo geysan dadka aan is difaaci karin.