Wasiir fiqi ayaa Siciid Dani ku eedeeyey inuu diiday in Dowladu ka qayb qaadato Dagaalka Daacish.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu diiday kaalmada Dowladda Federaalka ee lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Daacish.

Axmed Macallin Fiqi ayaa tilmaamay in qorshaha Dowladda Federaalka uu yahay in la taageero dagaalka ka dhanka ah Daacish iyada oo la siinayo hub, adeegyo caafimaad, iyo saanad ciidan si guulo wadajir ah loo gaaro. Si kastaba ha ahaatee, Siciid Deni ayaa kasoo horjeestay taageeradan.

Wasiir Fiqi wuxuu intaas ku daray in Dowladda Federaalka ay dedaal badan ku bixisay sidii ay u qancin lahayd Madaxweynaha Puntland, balse Siciid Cabdullaahi Deni uu xiray albaab kasta oo ay Dowladda uga soo gudi lahayd arrintan, maadaama aysan awood u lahayn inay si xoog ah u farageliso.

Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa marar badan ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ku daawanayso dagaalka ka socda dhulka buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, taas oo ay sheegeen inay fursad u tahay kooxda Daacish inay sii xoogeysato.

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.