Wasiir fiqi ayaa Siciid Dani ku eedeeyey inuu diiday in Dowladu ka qayb qaadato Dagaalka Daacish.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, uu diiday kaalmada Dowladda Federaalka ee lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Daacish.

Axmed Macallin Fiqi ayaa tilmaamay in qorshaha Dowladda Federaalka uu yahay in la taageero dagaalka ka dhanka ah Daacish iyada oo la siinayo hub, adeegyo caafimaad, iyo saanad ciidan si guulo wadajir ah loo gaaro. Si kastaba ha ahaatee, Siciid Deni ayaa kasoo horjeestay taageeradan.

Wasiir Fiqi wuxuu intaas ku daray in Dowladda Federaalka ay dedaal badan ku bixisay sidii ay u qancin lahayd Madaxweynaha Puntland, balse Siciid Cabdullaahi Deni uu xiray albaab kasta oo ay Dowladda uga soo gudi lahayd arrintan, maadaama aysan awood u lahayn inay si xoog ah u farageliso.

Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa marar badan ku eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay ku daawanayso dagaalka ka socda dhulka buuraleyda Calmiskaad ee Gobolka Bari, taas oo ay sheegeen inay fursad u tahay kooxda Daacish inay sii xoogeysato.

  • Related Posts

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dhuusamareeb, Sabti, 21ka Juun 2025 – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Dhuusamareeb Imtixaanaadka…

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Caracas – 20 Juun 2025 – Kumanaan qof oo reer Venezuela ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka magaalada Caracas Khamiistii, iyaga oo si buuxda u muujiyay taageeradooda Dowladda Islaamiga ah…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Dadka Reer Venezuela oo Taageero u Muujiyay Dowladda Iran.

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Kremlin: Bariga Dhexe Wuxuu Kusii Dhacayaa God Xasilooni-darro iyo Dagaal

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Weerar Gantaal oo Xooggan oo Ku Dhacay Beersheba – Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xiisadda Iran iyo Israa’iil

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Natiijada Doorashada Kursiga #HOP058 ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.

    Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xaq-u-Dirirka Deegaanka oo Weerar Culus ku Qaaday Khawaarijta Gobolka Sh/Dhexe.