Wafdiga Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS oo Booqasho Shaqo ku Tegay Azerbaijan.

Wafdi ballaaran oo ka socda Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, kana kooban howlwadeenno sare oo uu hoggaaminayo Wasiir Maxamed Cabdulqaadir Cali, ayaa booqasho shaqo oo rasmi ah ku tegay magaalada Baku ee caasimadda dalka Azerbaijan. Safarkan oo qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka ee lagu horumarinayo iskaashiga caalamiga ah, gaar ahaan dhanka dhallinyarada iyo ciyaaraha, ayaa muhiimaddiisa ugu weyn ahayd sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo abuuri lahaa fursado cusub oo horumarineed.

Intii uu wafdigu ku sugnaa magaalada Baku, Wasiir Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Azerbaijan, Mudane Farid Gayibov. Kulanka oo dhacay jawi wada-shaqeyn iyo isu-faham buuxa leh, ayaa diiradda lagu saaray ballaarinta iskaashiga labada dowladood ee dhinacyada horumarinta siyaasadaha dhallinyarada, kor u qaadista isdhexgalka dhalinyarada, tababarrada xirfadeed, kobcinta ciyaaraha iyo horumarinta dhaqanka.

Labada wasiir ayaa si gaar ah uga wada hadlay muhiimadda ay leedahay in la abuuro hannaan joogto ah oo labada dal u oggolaanaya inay si wadajir ah uga shaqeeyaan arrimaha dhallinyarada – kuwaas oo ah laf-dhabarta horumarka bulsho kasta. Wasiirka Soomaaliya ayaa ku adkeystay in dhallinyarada Soomaaliyeed ay u baahan yihiin fursado caalami ah oo dhinac walba ah, sida tababbarro, is-dhaafsi waayo-aragnimo, tartamo ciyaareed iyo barnaamijyo kobcin kara xirfadohooda. Dhankiisa, Wasiirka Azerbaijan Mudane Farid Gayibov ayaa muujiyey diyaar-garow buuxa oo uu dalkiisu u leeyahay taageeridda iyo wada-shaqeynta Soomaaliya.

Inta lagu guda jiray kulanka, labada dhinac waxay isla qaateen in la dardar-geliyo diyaarinta iyo hirgelinta Heshiiska Iskaashiga Labada Dal (Bilateral Agreement), kaas oo noqon doona isbeddel muuqda oo wanaajin doona xiriirka diblomaasiyadeed, dhaqan-dhaqaale iyo kan dhallinyarada ee labada dowladood. Heshiiskan ayaa lagu wadaa inuu saameyn togan ku yeesho dhallinyarada Soomaaliyeed, maadaama uu siin doono fursado ka ballaaran kuwii hore, oo ay ku jiraan ka qeybgalka tartamada caalamiga ah, helitaanka tababbarro heer sare ah iyo dhiirrigelinta hal-abuurka iyo mashaariicda dhallinyarada.

Sidoo kale, labada wasiir ayaa si qoto dheer uga wada hadlay bilaabista heshiis MoU ah (Memorandum of Understanding), kaas oo noqon doona dukumiinti rasmi ah oo hagaya habka iskaashi ee labada wasaaradood. MoU-ga ayaa muhiim u noqon doona in la dejiyo qorshe cad oo ku saabsan sida labada dal u wadaagi doonaan khibradahooda, farsamooyinkooda maamul iyo taageerada ay u fidinayaan kobcinta ciyaaraha iyo dhallinyarada.

Wasiir Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa uga mahadceliyey dowladda Azerbaijan sida ay mar walba u garab taagan tahay Soomaaliya, gaar ahaan qeybta tababarrada ciyaaraha iyo taageerada muddada dheer lagu soo jiray. Wasiirka ayaa intaa ku daray in booqashadan ay bilow u tahay iskaashi ballaaran oo labada dal u horseedi kara horumar la taaban karo, isagoo xusay in Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS ay ka go’an tahay in dhallinyarada Soomaaliyeed la gaarsiiyo heerar ka sareeya kuwa iminka jira.

Dhankiisa, Wasiirka Azerbaijan ayaa ku nuuxnuuxsaday in dalkiisu diyaar u yahay inuu kordhiyo taageerada uu siiyo Soomaaliya, isaga oo caddeeyey in dhallinyarada iyo ciyaaruhu yihiin aalado muhiim u ah nabadda, horumarka iyo isdhexgalka bulshooyinka caalamka.

Booqashada Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya ee Azerbaijan waxay muujineysaa heerka sare ee ay gaartay xiriirka labada dowladood, waxaana laga filayaa in heshiisyada la qorsheynayo ay mustaqbalka dhow horseedi doonaan horumar muuqda oo dhanka dhallinyarada, ciyaaraha, dhaqanka iyo iskaashiga guud ee labada dal.

Ugu dambeyn, wafdiga Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa booqashadan ku tilmaamay mid guul ah oo muhiim u ah mustaqbalka dhallinyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo ka mid ah bulshada ugu badan ee dalka kuna baahan fursado cusub oo horumarineed. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta inay dhallinyarada u sahasho marin ay ku gaaraan riyooyinkooda, iyadoo iskaashigan cusub ee Azerbaijan uu qeyb ka noqonayo dadaalladaas.

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.