Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer shaqo ku sameeyay fariisimaha ay ku sugan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee magaalada Beledweyne.

Kormeerkan ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray fariisimaha ay ku sugan yihiin Guutooyinka 5aad iyo 29aad ee ka tirsan Qeybta 27aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Taliyaha Ciidanka Dhulka ayaa kormeerkiisa inta uu ku guda jiray si dhow ula socday xaaladda guud ee fariisimaha, habsami u socodka howlaha ciidanka, iyo sida ay askartu u gudanayaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid” ayaa la kulmay saraakiisha iyo ciidanka ku sugan fariisimahaasi, isagoo warbixinno ka dhageystay talisyada guutooyinka, kana dhageystay xaaladda amni, diyaargarowga ciidanka, iyo baahiyaha jira. Taliyaha ayaa si gaar ah u bogaadiyay dadaalka iyo naf-hurnimada ay muujinayaan geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala magaalada Beledweyne.

Intii uu kormeerka ku guda jiray, Taliyaha Ciidanka Dhulka ee XDS ayaa geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka kula dardaarmay in ay xoojiyaan difaaca qaranka, sare u qaadaan feejignaanta iyo heeganka ciidanka, isla markaana ay dardar geliyaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in ciidanku mar walba u diyaarsanaadaan gudashada waajibaadkooda qaran, iyagoo ilaalinaya anshaxa ciidannimo iyo midnimada ciidamada.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa adkeeyay in ciidanku ay sii laba jibaaraan dadaallada ay ugu jiraan sugidda amniga, isla markaana ay si buuxda ula shaqeeyaan hoggaanka sare iyo saraakiisha taliska, si loo xaqiijiyo difaac qaran oo adag iyo amni waara. Wuxuu tilmaamay in masuuliyadda ka saaran difaaca dalka ay tahay mid qaran, una baahan adkeysi, isku duubni, iyo dadaal joogto ah.

Booqashadan kormeerka ah ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ugu kuurgalaan xaaladda ciidanka ee gobollada dalka, kuna dhiirrigeliyaan kuna xoojinayaan doorka muhiimka ah ee ay ciidamadu ku leeyihiin difaaca qaranka, sugidda amniga, iyo ilaalinta xasilloonida dalka. Kormeerkan ayaa sidoo kale muujinaya sida ay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uga go’an tahay la socodka, dhiirrigelinta, iyo garab istaagga ciidamada ku sugan jiidaha kala duwan ee dalka.

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Dhuusamareeb, Khamiis, 01 Janaayo 2026: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Machadka Heritage,…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.