Dhuusamareeb, Khamiis, 01 Janaayo 2026: Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Machadka Heritage, oo maalmahan ka socday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug. Shirka oo galay kal-fadhigiisii 9-aad ayaa waxaa ka qeyb galay madaxda ugu sarreysa dowladda, hoggaamiyeyaasha dowlad goboleedyada, siyaasiyiin, aqoonyahanno, bulshada rayidka ah iyo marti sharaf kale.
Ra’iisul Wasaaraha oo khudbad ka jeediyay munaasabadda xiritaanka shirka ayaa sheegay in madashani ku soo aaday xilli xasaasi ah oo dalku marayo isbeddello waaweyn oo dhinacyo badan taabanaya, gaar ahaan amniga, dhaqaalaha, horumarka iyo diblomaasiyadda. Wuxuu tilmaamay in Soomaaliya ay maanta cagta saartay waddo horumar iyo xasillooni, kaddib sanado badan oo caqabado adag ay la tacaalaysay.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tusaale u soo qaatay doorashadii golayaasha deegaanka ee caasimadda Muqdisho oo si nabad ah u qabsoontay, taas oo muujisay kororka kalsoonida shacabka ee hanaanka dimuqraadiyadda. Wuxuu xusay in muwaadiniintu ay si xor ah u codeeyeen, taasoo caddeyn u ah in dalka uu ku tallaabsaday horumar la taaban karo oo dhanka dowlad-dhiska ah.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu si gaar ah uga hadlay horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga iyo diblomaasiyadda, isaga oo sheegay in dadaalladaas ay suurtageliyeen in la iska caabiyo falal wax u dhimaya qaranimada, midnimada iyo madax-bannaanida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Wuxuu bogaadiyey doorka ay saaxiibbada caalamiga ah ka qaateen taageeridda midnimada iyo madax-bannaanida dalka, isaga oo xusay in xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya uu marayo marxalad wanaagsan.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu si qoto dheer uga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee dalka, gaar ahaan saamaynta abaaraha soo noqnoqday. Wuxuu sheegay in ku dhowaad 4.4 milyan oo qof ay si toos ah u saameeyeen abaaruhu, kuwaas oo u baahan gargaar degdeg ah. Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu ugu baaqay hay’adaha gargaarka, dowladda iyo beesha caalamka in la dardargeliyo gurmadka loo fidinayo dadka nugul, si looga hortago masiibo bani’aadannimo oo baahsan.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa adkeeyey in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan marna aqbalayn wax kasta oo wiiqaya gobonimada, midnimada iyo wadajirka dalka. Wuxuu caddeeyey in Soomaaliya ay diyaar u tahay nabad iyo iskaashi ku dhisan dan wadaag, balse ay si adag uga hortagi doonto isku day kasta oo lagu kala qaybinayo dalka. Wuxuu hoosta ka xarriiqay in dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay si mideysan uga hortagayaan fal kasta oo lid ku ah jiritaanka qaranka.
Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu shaaciyey war muhiim ah oo la xiriira horumarka dhaqaale ee dalka, isaga oo sheegay in qodista shidaalka ay bisha May ee sanadkan ka bilaaban doonto deegaan ka mid ah Dowlad Goboleedka Galmudug. Wuxuu tilmaamay in arrintani ay fursad weyn u tahay kobaca dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, haddii si hufan oo caddaalad ah loo maamulo.
Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta iyo hoggaanka Soomaaliyeed in ay doortaan midnimo, isu-tanaasul iyo wada-hadal. Wuxuu xusay in gogosha wadahadalka ay ka furantahay magaalada Muqdisho, isla markaana ay tahay fursad lagu xallin karo khilaafaadka siyaasadeed ee jira. Wuxuu adkeeyey in wada-hadalku yahay waddada kaliya ee lagu gaari karo xasillooni waarta iyo dowladnimo buuxda.
Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage ayaa lagu soo gebagabeeyay rajo iyo farriimo dhiirrigelin ah, kuwaas oo la filayo in ay door weyn ka qaataan jihaynta mustaqbalka siyaasadeed, amni iyo mid dhaqaale ee Soomaaliya.




