
Faahfaahin Ku Saabsan Dilka Laba Dhalinyaro Ah oo Ka Dhacay Deegaanka GaloWararka naga soo gaaraya deegaanka Galo, oo qiyaastii 40km Bari ka xiga Dhuusamareeb, ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu dilay laba wiil oo dhalinyaro ah.
Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, dilka waxaa geystay maleeshiyaad gaaraya 7 ruux, kuwaas oo ka yimid dhanka Xiindheere kuna soo wajahnaa Ceelgaras.Dadka Deegaanka ayaa xaqiijiyey in labada wiil lagu weeraray iyagoo hurda Gole Geel, taasoo muujineysa in falkaasi ahaa mid si ula kac ah loo qorsheeyey.
Dilka labadan dhalinyaro ah ayaa la rumeysan yahay inuu salka ku hayo aanooyin qabiil, waxaana horey sidaan oo kale uga dhacay dilal la xiriira colaadaha beelaha ee ka taagan gobolka.
Dadka deegaanka ayaa ka walaacsan sii socoshada colaadahan, iyagoo codsanaya in la sameeyo xal waara oo lagu joojiyo dhiigga daadanaya.
Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha amniga ee ku aaddan dhacdadan, balse dadka deegaanka ayaa ugu baaqay dowladda iyo odayaasha dhaqanka in ay degdeg uga falceliyaan xiisadda taagan.Waxii warar dheeraad ah ee kusoo kordha dhacdadan, waxaad kala socon doontaan boggeena.