Laba Wiil oo Dhalinyaro ah oo Lagu Dilay Deegaanka Galo

Faahfaahin Ku Saabsan Dilka Laba Dhalinyaro Ah oo Ka Dhacay Deegaanka GaloWararka naga soo gaaraya deegaanka Galo, oo qiyaastii 40km Bari ka xiga Dhuusamareeb, ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu dilay laba wiil oo dhalinyaro ah.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka, dilka waxaa geystay maleeshiyaad gaaraya 7 ruux, kuwaas oo ka yimid dhanka Xiindheere kuna soo wajahnaa Ceelgaras.Dadka Deegaanka ayaa xaqiijiyey in labada wiil lagu weeraray iyagoo hurda Gole Geel, taasoo muujineysa in falkaasi ahaa mid si ula kac ah loo qorsheeyey.

Dilka labadan dhalinyaro ah ayaa la rumeysan yahay inuu salka ku hayo aanooyin qabiil, waxaana horey sidaan oo kale uga dhacay dilal la xiriira colaadaha beelaha ee ka taagan gobolka.

Dadka deegaanka ayaa ka walaacsan sii socoshada colaadahan, iyagoo codsanaya in la sameeyo xal waara oo lagu joojiyo dhiigga daadanaya.

Ilaa hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay hay’adaha amniga ee ku aaddan dhacdadan, balse dadka deegaanka ayaa ugu baaqay dowladda iyo odayaasha dhaqanka in ay degdeg uga falceliyaan xiisadda taagan.Waxii warar dheeraad ah ee kusoo kordha dhacdadan, waxaad kala socon doontaan boggeena.

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.