Duqeymo Culus oo Lagu Beegsaday Godadka Daacish ee Buuraleyda Bari

Caawa ayaa duqeymo culus laga fuliyay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, kuwaas oo si gaar ah loogu beegsaday goobaha muhiimka ah ee kooxda argagixisada ah ee Daacish.

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, labo kamid ah duqeymaha ay fuliyeen saaxiibada Soomaaliya ayaa lala eegtay boholo ku yaalla deegaanka Xabkookib, oo dhaca agagaarka Dhasaan iyo Daray-Madoobe. Duqeymahan ayaa lagu burburiyay keyd hub ah oo ay lahaayeen Daacish iyo gaadiid la rumeysan yahay in ay saarnaayeen walxaha qarxa oo kooxdaasi u diyaarisay in ay ku dhibaateyso ciidamada Puntland ee howlgalka ka wada buuraleydaasi.

Intaa waxaa dheer, duqeymaha ayaa lagu dilay ku dhowaad 20 xubnood oo katirsan Daacish, halka aagag kale oo la tuhunsan yahay inay ku sugnaayeen xubno sare oo katirsan kooxdaas si gaar ah loo beegsaday.

Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland, oo hadda maraya wajigiisii labaad, ayaa guulo waa weyn laga gaaray, iyadoo lagu dilay boqolaal ajaanib ah oo katirsan Daacish, halka la burburiyay xarumo muhiim u ahaa kooxdaas.

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.