Duqeymo Culus oo Lagu Beegsaday Godadka Daacish ee Buuraleyda Bari

Caawa ayaa duqeymo culus laga fuliyay buuraleyda Calmiskaad ee gobolka Bari, kuwaas oo si gaar ah loogu beegsaday goobaha muhiimka ah ee kooxda argagixisada ah ee Daacish.

Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo, labo kamid ah duqeymaha ay fuliyeen saaxiibada Soomaaliya ayaa lala eegtay boholo ku yaalla deegaanka Xabkookib, oo dhaca agagaarka Dhasaan iyo Daray-Madoobe. Duqeymahan ayaa lagu burburiyay keyd hub ah oo ay lahaayeen Daacish iyo gaadiid la rumeysan yahay in ay saarnaayeen walxaha qarxa oo kooxdaasi u diyaarisay in ay ku dhibaateyso ciidamada Puntland ee howlgalka ka wada buuraleydaasi.

Intaa waxaa dheer, duqeymaha ayaa lagu dilay ku dhowaad 20 xubnood oo katirsan Daacish, halka aagag kale oo la tuhunsan yahay inay ku sugnaayeen xubno sare oo katirsan kooxdaas si gaar ah loo beegsaday.

Howlgalka ciribtirka argagixisada ee Puntland, oo hadda maraya wajigiisii labaad, ayaa guulo waa weyn laga gaaray, iyadoo lagu dilay boqolaal ajaanib ah oo katirsan Daacish, halka la burburiyay xarumo muhiim u ahaa kooxdaas.

  • Related Posts

    Turkiga oo Muqdisho Keenaya Diyaaradaha Dagaalka ee Bayraktar Akıncı si loo Xoojiyo La-dagaallanka Al-Shabaab.

    Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa inay keento Muqdisho diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee casriga ah ee Bayraktar Akıncı, si ay uga caawiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.…

    Wiil Yamani ah oo Qaxooti ku ah Garoowe oo La Jirdilay – Tallaabo Degdeg ah oo Laga Qaatay”

    Maxamed Caadil, waa 8 jir Yamani ah oo qaxooti ku ah Garoowe. Wuxuu dusha ka saaran yahay qayb ka mid ah mas’uuliyadda qoyskiisa, isagoo suuqyada Garoowe ku wareejiya tusbax, si…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Turkiga oo Muqdisho Keenaya Diyaaradaha Dagaalka ee Bayraktar Akıncı si loo Xoojiyo La-dagaallanka Al-Shabaab.

    Turkiga oo Muqdisho Keenaya Diyaaradaha Dagaalka ee Bayraktar Akıncı si loo Xoojiyo La-dagaallanka Al-Shabaab.

    Wiil Yamani ah oo Qaxooti ku ah Garoowe oo La Jirdilay – Tallaabo Degdeg ah oo Laga Qaatay”

    Wiil Yamani ah oo Qaxooti ku ah Garoowe oo La Jirdilay – Tallaabo Degdeg ah oo Laga Qaatay”

    Muhiimadda Dhismaha Waddada Laamiga ah ee Dhuusamareeb

    Muhiimadda Dhismaha Waddada Laamiga ah ee Dhuusamareeb

    Goobo hor le ayaa laga qabsaday Kooxdii Daacish waxaana la wareegay Ciimada Puntland.

    Goobo hor le ayaa laga qabsaday Kooxdii Daacish waxaana la wareegay Ciimada Puntland.

    Dhuusamareeb waxaa lagu qabtay Xuska Maalintii la aas aasay Ciidamada Asluubta Soomaaliya oo laga joogo 55 Sano.

    Dhuusamareeb waxaa lagu qabtay Xuska Maalintii la aas aasay Ciidamada Asluubta Soomaaliya oo laga joogo 55 Sano.

    Wasiir fiqi ayaa Siciid Dani ku eedeeyey inuu diiday in Dowladu ka qayb qaadato Dagaalka Daacish.

    Wasiir fiqi ayaa Siciid Dani ku eedeeyey inuu diiday in Dowladu ka qayb qaadato Dagaalka Daacish.