Dhuusamareeb waxaa lagu qabtay Xuska Maalintii la aas aasay Ciidamada Asluubta Soomaaliya oo laga joogo 55 Sano.

Munaasabadda Maalinta Aas-aaska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ayaa maanta lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb, halkaas oo ciidamada ay soo bandhigeen dhoolatus. Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Galmudug, Wasiirka Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Galmudug, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga Galmudug, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud, iyo Guddoomiyaha Caasimadda Dhuusamareeb.

Xuseen Axmed Carab, oo ah Hoggaanka Saadka, ayaa ka warbixiyey taariikhda aas-aaska Ciidanka Asluubta iyo shaqooyinka ay qabtaan.

Guddoomiyaha magaalada Dhuusamareeb, Macallin Cabdiraxmaan Cali Maxamed (Geedqorow), oo munaasabadda ka hadlay, ayaa ballan qaaday dhulka laga dhisi doono xabsiga, wuxuuna bogaadiyey shaqada ay Ciidanka Asluubtu u hayaan bulshada.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Galgaduud, Cismaan Cali Hudeey, ayaa sheegay in Ciidanka Asluubtu si wanaagsan ula shaqeeyaan maxkamadaha, wuxuuna xusay in saraakiishooda hoggaaminaysa ay mudan yihiin in la dalacsiiyo.

Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka Galmudug, Cabdullaahi Axmed Maxamed, ayaa bogaadiyey adeegga ay Ciidanka Asluubtu u hayaan bulshada, isagoo uga mahadceliyey sida ay uga madax bannaan yihiin waxyaabaha aan wanaagsanayn.

Maalinta maanta oo kale, sanadkii 1970-kii, ayaa la aas-aasay Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, waxaana sanad guuradii 55-aad si weyn looga xusay Galmudug, gaar ahaan Dhuusamareeb. Ciidanka Asluubta ee Galmudug ayaa dadaal badan soo galay, iyagoo qabta shaqooyin dheeraad ah oo muhiim u ah bulshada.

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.