Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka (NISA) iyo dadka deegaanka, ayaa fuliyey howlgal amni oo si heer sare ah loo qorsheeyey, kaas oo lagu beegsaday maleeshiyaadka Khawaarijta, isla markaana laga fuliyey deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu naafeeyo, laguna ciribtiro khataraha amni ee Khawaarijtu ku hayeen shacabka ku dhaqan gobolkaas, gaar ahaan isticmaalka miinooyinka dhulka lagu aaso iyo fariisimada ay ku dhuumaaleysanayeen.
Howlgalkan ballaaran waxaa hoggaaminayey Taliyaha Qaybta Koowaad Kumaandooska Gorgor, Gaashaanle Dhexe Saahid Jaamac Faarax (Jareere), waxaana si isku-duuban uga qeyb qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka, sirdoonka Qaranka iyo dadweynaha deegaanka oo si buuxda ula shaqeeyey ciidamada.
Howlgalka ayaa si gaar ah looga fuliyey deegaannada kala ah Galka Saalimoow, Diira-fuul, Qodqodka iyo Dooxa, kuwaas oo dhammaantood ah goobo ay Khawaarijtu horey ugu dhuumaaleysan jireen, isla markaana ay ku dhibaateyn jireen shacabka ku nool agagaarkaas.
Intii uu howlgalka socday, Ciidamada Xoogga Dalka ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku haynta dhammaan deegaannadii lagu beegsaday, iyagoo ka saaray maleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa ee ku sugnaa, taasoo si weyn u xoojisay amniga guud ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Ciidamada ayaa sidoo kale ku guuleystay in ay wadooyinka waaweyn iyo marinada ay isticmaalaan shacabka ka soo saaraan miinooyin iyo walxo qarxa, kuwaas oo ay Khawaarijtu ku aasi jireen si ay u dhibaateeyaan dadka rayidka ah iyo gaadiidka ganacsiga. Miinooyinkaas ayaa ahaa kuwo halis weyn ku ahaa nolosha shacabka, waxaana ka saaristooda lagu tilmaamay guul amni oo muhiim ah.
Sidoo kale, intii howlgalkaasi socday, Ciidamada Xoogga Dalka ayaa burburiyey fariisimo iyo goobo ay Khawaarijtu ku baadi-goobi jireen dadka, kuna diyaarin jireen falal argagixiso oo ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed. Goobahaas ayaa ahaa kuwo si qarsoodi ah loo isticmaali jiray, balse hadda gebi ahaanba la burburiyey.
Taliyaha hoggaaminayey howlgalka, Gaashaanle Dhexe Saahid Jaamac Faarax (Jareere), ayaa sheegay in howlgalka uu yahay mid ka mid ah dadaallada joogtada ah ee Ciidamada Xoogga Dalka ay ku xaqiijinayaan amniga dalka, isla markaana ay uga hortagayaan falalka gurracan ee ay Khawaarijtu ku dhibaateeyaan shacabka.
Waxa uu tilmaamay in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, ilaa laga xaqiijinayo amni buuxa oo ay ku naaloodaan dadka ku nool deegaanada la xoreeyey. Taliyaha ayaa sidoo kale bogaadiyey doorka ay dadka deegaanka ka qaateen howlgalka, isaga oo xusay in wada-shaqeynta shacabka iyo ciidamada ay tahay furaha guusha.
Dadka ku dhaqan deegaannada ay howlgalladu ka dhaceen ayaa muujiyey farxad iyo taageero ay u hayaan Ciidamada Xoogga Dalka, iyagoo sheegay in ay muddo dheer la kulmayeen dhibaatooyin ay Khawaarijtu ku hayeen, gaar ahaan cabsi gelin, miinooyin iyo xanibaadyo dhaqdhaqaaqa nololeed.
Qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradka deegaanka ayaa sheegay in howlgalkan uu horseeday nafis iyo amni ay muddo sugayeen, isla markaana ay diyaar u yihiin in ay mar walba la shaqeeyaan ciidamada si loo ciribtiro Khawaarijta.
Howlgalkan ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa qeyb ka ah istiraatiijiyadda guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay kula dagaallamayso Khawaarijta, taas oo diiradda saaraysa sugidda amniga, xoreynta deegaanada ay ku dhuumaaleysanayaan kooxaha argagixisada ah, iyo ilaalinta nolosha shacabka.
Ugu dambeyn, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale ku celisay go’aankeeda ah in aysan marnaba ka tanaasuli doonin la dagaallanka Khawaarijta, iyadoo Ciidamada Xoogga Dalka ay sii wadi doonaan howlgallada qorsheysan ee lagu xaqiijinayo nabad, xasillooni iyo dowladnimo buuxda.





