Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Baarlamaanka, iyagoo si rasmi ah u ansixiyey Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026, taas oo lagu tilmaamay mid ka mid ah miisaaniyadihii ugu waaweynaa ee ay yeelato Dowladda Federaalka Soomaaliya tan iyo dib u dhiska dowladnimada.
Kulankan oo ay si buuxda u xaadireen xildhibaano ka kala socday Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare, ayaa si qoto dheer looga dooday qodobada miisaaniyadda, dakhliga lagu talo galay, kharashaadka la qorsheeyey, iyo mudnaanta la siinayo adeegyada bulshada, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.
Miisaaniyadda Qaranka ee sanadka 2026 ayaa gaareysa $1,386,807,242 (Hal Bilyan, Saddex Boqol Sideetan iyo Lix Milyan, Sideed Boqol Toddobo Kun, Laba Boqol Afartan iyo Laba Doollar), taas oo muujinaysa koror la taaban karo marka loo eego miisaaniyadihii sannadihii hore.
Markii la geliyay cod gacan taag ah, waxaa miisaaniyadda oggolaaday 174 xildhibaan, halka afar xildhibaan ay diideen, hal xildhibaan oo kalena uu ka aamusay, taasoo caddeyn u ah in miisaaniyaddu heshay aqlabiyad buuxda oo Baarlamaanka ah.
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo kulanka shir-guddoominayay ayaa sheegay in ansixinta miisaaniyadda ay tahay tallaabo muhiim u ah xasiloonida maaliyadeed iyo qorsheynta horumarka dalka, isaga oo xusay in Baarlamaanku uu ka gutay waajibaadkiisii dastuuriga ahaa.
Miisaaniyadda la ansixiyey ayaa si gaar ah mudnaan u siinaysa:
Amniga iyo difaaca qaranka, si loo xoojiyo la dagaallanka argagixisada loona sugo ammaanka guud ee dalka.
Adeegyada bulshada, sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha.
Horumarinta dhaqaalaha, gaar ahaan taageeridda dakhliga gudaha iyo mashaariicda shaqo-abuurka.
Dib u habeynta hay’adaha dowladda, si loo helo hufnaan, isla xisaabtan iyo maamul wanaag.
Wasiirka Maaliyadda XFS oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in miisaaniyaddan lagu saleeyey dakhli gudaha ah iyo taageero caalami ah, isaga oo xusay in dowladda ay sii wadi doonto dadaallada lagu kordhinayo ilaha dakhliga gudaha, lana dhimayo ku tiirsanaanta deeqaha dibadda.
Wasiirku waxa uu tilmaamay in miisaaniyadda 2026 ay diiradda saarayso adkeynta hay’adaha maaliyadeed, casriyeynta nidaamka canshuuraha, iyo hirgelinta barnaamijyo horumarineed oo wax ka tari doona nolosha shacabka Soomaaliyeed.
Qaar kamid ah xildhibaanadii kulanka ka hadlay ayaa soo dhaweeyey ansixinta miisaaniyadda, iyagoo ku tilmaamay mid ku saleysan baahiyaha dhabta ah ee dalka, halka kuwo kalena ay muujiyeen walaac ku saabsan sida loo fulin doono miisaaniyadda iyo muhiimadda ay leedahay in si hufan loo maareeyo.
Xildhibaanada diiday miisaaniyadda ayaa ku sababeeyey mowqifkooda arrimo la xiriira qeybsiga kharashaadka iyo hubinta in gobollada dalka ay si caddaalad ah uga faa’iideystaan miisaaniyadda, inkastoo codkoodu uusan saameyn ku yeelan ansixinta guud.
Ansixinta Miisaaniyadda Qaranka ee 2026 ayaa la filayaa inay si weyn uga qeyb qaadato hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee Dowladda Federaalka, xoojinta amniga, iyo sare u qaadidda adeegyada ay dowladdu siiso shacabka.
Ugu dambeyn, tallaabadan ayaa loo arkaa mid muujinaysa wada-shaqeyn siyaasadeed iyo biseyl dowladeed, iyadoo Baarlamaanka iyo Xukuumaddu ay isla meel dhigeen qorshaha maaliyadeed ee sannadka soo socda, kaas oo lagu hagayo mustaqbalka horumarineed ee dalka.





