Wasiirka Waxbarashada Galmudug oo Dhuusamareeb Ka Daahfuray Imtixaanka Fasalka 8-aad.

Dhuusamareeb, Sabti, 21ka Juun 2025 – Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Maxamed Xaashi Dhoore, ayaa si rasmi ah uga daahfuray magaalada Dhuusamareeb Imtixaanaadka Fasalka 8-aad ee Dugsiga Dhexe ee sanad dugsiyeedka 2024-2025.

Wasiirka waxaa munaasabadda furitaanka ku wehliyay Guddoomiye ku-xigeenka caasimadda, mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada, iyo Taliyaha Booliska Caasimadda. Intii lagu guda jiray daahfurka, Wasiir Dhoore wuxuu ardayda la wadaagay dardaaran iyo talooyin muhiim ah oo ku aaddan sida ay muhiim u tahay in si xasillooni iyo kalsooni leh ay u wajahaan imtixaanka. Sidoo kale, wasiirka ayaa xusay in sanadkan si rasmi ah loo dhaqan geliyay xeerka ka hortagga qishka, si loo ilaaliyo hufnaanta iyo sumcadda nidaamka waxbarashada.

Wasiirka ayaa warbixin guud ka bixiyay habsami u socodka imtixaanka, isagoo tilmaamay in maanta ay imtixaanka u fariisteen 7,968 arday kuwaasoo imtixaanka ku galaya 41 xarumood oo ku kala yaalla 18 degmo iyo 3 deegaan oo ka tirsan Galmudug.

Wasaaradda Waxbarashada Galmudug ayaa sanadkan qaadaysa imtixaanka Fasalka 8-aad markii 7aad oo xiriir ah, taasoo muujinaysa dadaalka joogtada ah ee lagu horumarinayo tayada waxbarashada heer gobol.

  • Related Posts

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika ayaa maanta shir muhiim ah ka wada xarunta Midowga Afrika, kaas oo looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo amniga gobolka Geeska Afrika. Kulankan ayaa si gaar ah…

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar “Gen. Khaalid”, oo howlo shaqo u jooga magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa maanta kormeer…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    Read More

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Golaha Amniga Midowga Afrika oo ka Doodaya Talaabadii Isra’il.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Kormeer Shaqo ku Sameeyay Fariisimaha Ciidanka ee Magaalada Beledweyne.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS oo Dhuusamareeb ku Soo Xiray Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Madaxweynaha Galmudug oo Garoonka Ugaas Nuur kusoo dhoweeyay Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galaya xiritaanka Madasha Heritage.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Sawirro+Dhuusamareeb iyo Maalinta Saddexaad ee Madasha Aragti Wadaaga ee Heritage oo Gashay Kalkeedii 9-aad.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.

    Guriceel: Booliska oo Gacanta ku Dhigay Askari Dad Shacab ah ku Dhaawacay Bartamaha Magaalada.